Somalian_Boqor wrote:The Girl Wasn't Even 14 Years Old... INAA LILAAHI WA INAA ILAAH RAAJICIIN
ina lilahi lord have mercy whay kind of crab is this al shabaab are animals..

Aabe Dhuxulow "Gabadheyda xitaa wali naas uma soo bixin, bal iskadaa in eyba zineysatee"
Waxaa isasoo taraya fadeexada iyo dhaleeceynta ku aadan dilkii dhawaan gabar da'yar ah oo ay maleeshiyaadka Islaamiyiinta ee magaalada Kismaayo gacanta ku haya ey ku fuliyeen, kadib markii ay ku eedeeyeen inay gabadhaasi sameysay gogol dhaaf, islamarkaana ey nafta uga jareen dhagax iyagoo qaarka dambe dhulka ugu aasay.
Maalinimadii Isniinta 27/10/08 oo uu dilkan foosha xumi ka dhacay magaalada kismaayo ayaa waxaa ay kooxda xukunkan ku riday gagabadha sheegeen in ey aheyd ruux 25 jir ah oo ku kacday fal ka baxsan Shareecada Islaamka, balse arinkaa ayaa waxaa gaashaanka ku dhiftay oo beeniyay Aabihii dhalay gabadha oo sheegay in gabadhiisu aheyd 14 jir.
"Gabadheyda xitaa wali naas uma soo bixin, bal iskadaa in eyba zineysatee", ayuu yiri Aabe Ibraahim Dhuxulow oo sheegay in uu ku nool yahay xerada qaxootiga Dhagaxbuur ee dalkaasi Kenya, wuxuuna intaa ku daray in gabadhiisa xoog lagu kufsaday.
Aabe Ibraahim Dhuxulow ayaa sheegay inta aysan dhiman gabadhiisa maalin ka hor in ey xiriir lasoo sameysay, iyadoo ooyeysa islamarkaana ey u sheegtay in barrito la dili doono.
"Taleefanka ey iga soo wacday waxaa lahaa sidaan qiyaasayo qolyihii dilay, waxaana ka codsaday marki ey ii sheegtay arinta in ey ii dhiibto cida dili rabto, nasiib darro markii aan la hadli lahaana waa la igu damiyay taleefanka oo la bakhtiiyay", sidaa waxaa yiri Aabaha gabadha dhalay.
Goobta lagu dilay gabadhani ayaa waxaa soo buux dhaafiyay dad ey isugu yeereen goobta kooxihii dilka fulinayay, iyagoo ugu baaqayay in ey ka qeyb-qaataan dilka, balse arinta la yaabka leh ee goobta ka dhacday ayaa aheyd in dadweynihii dilka loogu baaqay ey u quuri waayeen in ey dhagax ku dhiftaan gabadhan yar ee iska ooyeysa.
Kooxaha dilkan geystay ayaa sida la sheegay u kali ahaa falkan, mana jirin cid wax ka tiri, iyadoo goobta lagu dilayay gabadhani ey soo buux dhaafiyeen maleeshiyaad hubeysan oo ka tirsan kuwa islaamiyiinta.
Ibrahin Dhuxulow ayaa ku eedeeyay kooxaha gabadha ku fuliyeey dilkan, in aysan u cuskan qodob ku saabsan Sheereecada Islaamka, balse maskadooda ay ka mageen inay qaarejiyaan gabadhaas da'da yar si ey u cabsiiyaan dadka kale ee magaalada, waa sida u hadalka u dhigaye.
Laba dil oo is shabaha
Gabadhan yar oo lagu magacaabo Caasho Luul, ee dhagaxa lagu dilay ayaa la sheegay in ey kasoo jeedo mid ka mid ah beelaha aan hubeysneyn islamarkaana laga tirada badan yahay, waxaana dil kan la mid ah horaantii 2006 dii loogu geystay magaalada Muqdisho wiil dhalin yaro ah oo isna kasoo jeeday beelaha aan hubeysneyn ee laga tirada badan yahay, kaasoo mindi dhafta looga qaaday inta tiir lagu xiray.