Beesha Sade oo canbaareysay xariga Somaliland ay u geysatay Ayaan Sheekh Xasan
Kismayo, Somalia (AOL) - Wax garadka iyo siyaasiyiinta Beesha Sade ayaa canbaareyn kulul u jeediyay Maamulka Soomaliland xarigii ay u geysteen marwo Ayaan Sheekh Xasan oo heeb ahaan ka soo jeedo beesha Sade iyaga oo xarigaasi ku tilmaamay in uu yahay mid aan loo meel dayin isla markaana tacaddi ah.
Maxamed Cabdi oo ah afhayeenka beesha Sade ayaa waxaa uu ka mid yahay wax garadka Beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose, wuxuuna si caro leh uga hadlay xarigii dhawaan loo geystay Ayaan isaga oo sheegay in xarigaasi uu yahay mid aan laga fiirsan isla markaana aan waafaqsaneyn shuruucda caalamiga ah iyo mida islaamka.
" Waa wax laga xumaado in maamul uu iska xirto gabar soomaaliyeed oo waliba marti u ah isla markaana uu ka geeriyooday nin ka soo jeeda maamulkaasi, waxaana wax laga xishoodo ah in gabar iyaga la joogto ay maamulkaasi iska xirtaan iyaga oo ku eedeeyay wax yaabo aan munaasab ahayn hadana aan lagu aqoon gabadha iyo dadka ay ka soo jeedaba" waxaa sidaasi yiri Maxmaed Cabdi oo ka mid ah wax garadka beesha Sade ee ku sugan magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada hoose.
"Ayaan Sheekh Xasan waxaa ay kasoo jeedaa asal ahaan gobalka Gedo ee konfurta Soomaaliya, gaar ahaan degmada Ceelcade. Waa gabar haysata cunug, isla markaana magaalada Hargaysa u tagtay in ay soo booqoto sodohdeed iyo dad ay qaraabo yihiin, mana ahan gabar ku lug lahaan karto arimaha lagu soo eedeeyay ama tuhunada la sheegay" ayuu haalkiisa kusoo gebo-gebeeyay Maxamed Cabdi.
Yaxye C/risaaq Soofe, Allgedo/Kismaayo.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com