Waxaa lagu xidhay magaalada Laascaanod mid kamid ah xildhibaanada Dawlada KMG ah ee Somalia ee fadhigoodu yahay magaalada Baydhabo kaas oo kasoo jeeda Somaliland xilli uu soo gaadhay magalaada Laascaanood ee gobolka Sool.
Xildhibaankan oo lagu magacaabo Axmed C/laahi Jaamac (Daakir) ayaa waxaa lagu qabtay kaantoroolka bari ee magaalada Laascaanood kadib markii uu kasoo anbabaxay magaalada Garowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland ee Somalia doonayay inuu gaadho magaalada Hargeisa.
Qabashadan ayaa timi kadib markii uu soo gaadhay kaantoroolka barri ee Laascaanood iyadoo saraakiisha Police-ka ee gobolka Sool mar aan wax ka waydiinay qabashada xildhibaanka ay noo xaqiijiyeen inay wax ka ogaayeen lana socdeen tan iy intii uu kasoo anbabaxay magaalada Garowe looguna diyaar garoobay kaantoroolka.
Xildhibaankan ayaa waxa uu yahay xildhibaanadii Dawlada KMG ah ee Somalia ee fadhigoodu ahaa magaalada baydhabo lana fakir ahaa C/laahi yuusuf kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug isagoo xildhibaankani yahay xildhibaan kasoo jeeda koonfurta Hargeisa ee xarunta Somaliland.
Hadaba xildhibaankan ayaa waxa uu ku xidhan yahay saldhiga dhexe ee magaalada Laascaanood iyadoo aan la ogayn in loo dhaadhicin doono magaalada Hargeisa iyo in kale wallow mar aan wax ka waydiinay saraakiisha Police-ka ee Gobolka Sool ay ka gaabsadeen ayna xaqiijiyeen oo kaliya inuu hadda ku xidhan yahay saldhiga Dhexe ee Laascaanood





