Muqdisho(AllPuntland)- Ra'iisul Wasaaraha Dowladda KMG ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ayaa saakay ka duulay garoonka diyaaraddaha magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay ka hor inta uusan ka duulin Muqdisho inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya.
Nuur Cadde oo shir jaraa'id ku qabtay gudaha garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde, wuxuuna sheegay in uu socdaalkiisa uu ku wajahan yahay dalka Jamhuuriyadda DJabuuti halkaasi oo la sheegay in uu kulamo kula yeelanayo saraakiil ka socoto dalalka beesha caalamka, sidoo kale waxaa halkaasi iyana gaari doono xubnaha ugu sareysa Isbaheysiga dib u xoreynta garabka uu hoggaamiyo Sh. Shariif Sh. Axmed.
Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa Wariyeyaasha u sheegay inuu yahay Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee bishan dhamaadkeeda la dooran doono.
Nuur Cadde ayaa sheegay in Musharaxnimadiisa ay ka danbeysay talooyin ay u soo jeediyeen Golaha Wasiiradda, Baarlamaanka iyo Siyaasiyiin miisaan ku leh siyaasadda dalka Soomaaliya, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka codsadeenn inuu isu soo taago Musharax xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Ku dhawaaqista Musharaxnimada Nuur Cadde uu maanta shaaciyay ayaa waxaa soo dhoweeyay dad badan oo ku nool gudaha dalka iyo dibada, iyadoo ay jiraan Mas'uuliyiin kale oo horay u shaaciyay iney u tartamayaan doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana ka mid ah Musharaxiinta soo bandhigay codkooda Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi, Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax, Xildhibaan Maxamed Maxamud Guuleed (Gacmadheere) iyo Xildhibaan Xasan Abshir Faarax oo si rasmi ah u shaacin balse horay u sheegay in aysan jirin sabab ka hor istaagi karto inuu isku sharxo xilka Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya.
AllPuntland, Muqdisho




