Ciidamadan ayaa la sheegay in Lagu soo tooba baray Xerada Garabcase ee Magaalada Jigjiga iyo Huurse oo ah goob ku taala Magaalada Diridhaba oo lagu tooba baro ciidamada Itoobiya , ciidankan ayaa hada magaalada Jigjiga Amnigeeda la wareegayaa waa sida warka loo dhagayee.
Madaxa Deegaanka Daud Maxamed Cali ayaa isagu sheegay mudo bilo ka hor ah in Ciidamo ka soo Jeeda Maamulka deeganka ay noqon doonan kuwo guud ahaan la wareegi doona Amniga Wadanka.
Balse xaqiiqda dhabta ayaa ah in Taliska Melez Zenawi uusan doonaynin Ciidamo Soomalia ah oo badan ee leh awood ciidaan oo Mullatari waa sida mid ka mid ah Khabiir ku takhasusay arrimaha deegaanka sheegayee.
Sidoo kale Dhamaadkii Sannadkan 2008 Bishii December ilaa Bishan kowaad ayaa waxaa Ogaadenya laga dareemayaa awood Xoogan iyo Dhaq dhaqaaq balaaran oo ay wadaan Ciidamada Gobanimo Doonka ee ONLF kuwaas oo inta badan dadka deegaanku siiyaan Tageerada oogu xoogan, dadka deegaankuna aaminsan yahay kuwa kali ah ee u keeni karaa Xoriyadooda , Ciidamadan ONLF oo si xoogan u hubaysan ayaa waxaa lagu arkayaa Duleedyada magaalooyinka waa wayn.

Ogadenpost
Jigjiga





