Somethings will never change...these guys (and especially this motherfucker) doesn't know how to live a life without isbaaro.
-------------------------------------------------------------------------
Isbaarooyin u yaalay Ciidamada dowlada Muqdisho oo la qaaday.
Posted: 1/17/2009 2:26:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Dhowr Jidgooyo oo u taalay ciidamada dowlada ayaa maanta laga qaaday magaalada Muqdisho halkaasi oo ay dhibaato xoogan ku qabeen dadka iyo darawalada isag kala goosha magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.
Jidgooyooyinka la qaaday ayaa waxaa ka mid ah Jidgooyada loo yaqaan Sarkuusta iyo Ex Control Afgooye halkaasi oo ciidamada dowlada ay gaadiidka lacago xad dhaaf ah oo sharci daro ah uga qaadi jireen.
Masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliyaha Ciidamada Booliiska dowlada kmg Col Cabdi Qeybdiid Gudoomiyaha gobolka Banaadir Dhagaxtuur ayaa maanta waxaa ay kormeer ku soo mareen wadadooyinka ay dhibaatada ku qabeen gaadiidka kuwaasi oo ugu danbeyntii ka qaaday halkaasi illaa 2-jidgooyo oo taalay wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.
Taliyaha Booliiska dowlada kmg Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo la hadlayay Warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in kadib markii ay maqleen dhibaatada ay ka cabanayeen dadka shacabka ah ee ay kala kulmayeen ciidamada dowlada ay go’aansadeen in ay qaadaan jidgooyooyinka yaala magaalada.
General Cabdiqeybdiid ayaa waxaa uu sheegay in ay ciidamo dhigayaan Taliskii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee mudo fariisinka ay u aheeyd ciidamada Ethiopia ee ka baxay magaalada Muqdisho,mana cadeeyn taliyaha ciidamadani halka ay ka socdaan iyo in ay yihiin kuwa dowlada iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.
Sidoo kale Cabdiqeybdiid waxaa uu sheegay in ay kormeer ku soo mareen xarumaha waxbarashada ee ku xirmay dagaalada ka dhacay magaalada Muqdisho,kuwaasi oo uu sheegay in ay ku tala jiraan in dib loo howlgaliyo.
Goobihii laga qaaday isbaarada ayaa waxaa la qabadsiiyay dab taasi oo muujineysa sida ay uga go’antahay masuuliyiinta dowlada in aan xili danbe gaadiidka iyo dadka lagu dhibaateeyn wadadaasi.
Waa markii ugu horeeysay ee dowlada kmg ay qaado Jidgooyo ay ciidamadeeda u yaalay magaalada Muqdisho waxana weli dhowr jidgooyo ay taala wadooyinka magaalada Muqdisho sida Isgooyska Dabka iyo dhowr goobod oo ku yaala degmooyinka gobolka Banaadir.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
Dhageeyso Wararka 1:30-duhurnimo Maalin waliba adigoo raacaya tilmaamaha Wabseydka.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News



