Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Cabaas Idiris,Ex John Drysdale Oo Muslimay

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Adan_1
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1237
Joined: Fri Feb 25, 2005 12:46 pm

Cabaas Idiris,Ex John Drysdale Oo Muslimay

Postby Adan_1 » Mon Jan 19, 2009 7:41 am


Oday John Drysdale Oo Illaahay Ku Hanuuniyey Inuu Islaamo Oo Uu Qaato Diinta Islaamka, Lana Magac Baxay Cabaas Idiris

“Markii Hore Jidhkaygu Wasakh Ayuu Ahaa Imika Oo Aan Diinta Islaamka Galayna Jidhkaygu Waa Daahir, Cidkasta Oo Diinta Islaamka Dibada Ka Ahna Waxaan Kula Talinayaa….” Cabaas Idiris, Ex- John Drysdale.


Hargeysa, January 18,2009 (Haatuf)- John Drysdale oo ah nin dhalashadiisu Ingiriis tahay, madaxna ka ah Hay’adda Somaliland Cadastral Surveys ayaa Axadii todobaadkii hore si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu muslimay,isla markaana ashhaadada loogu qabtay masjidka Tabliiqiinta ee magaalada Hargeysa, taas oo uu sheegay in go’aankan uu ku muslimay uu muddo toban sanadood ah uu ka fikirayey isla markaana ay talooyin ugu soo jeediyeen inuu diinta islaamka galo, shaqaalaha ka shaqeeya hay’adiisa, taas darteedna uu sheegay inuu ka ogolaaday, isagoo intaa ku daray in muddadii ka horeysay intaanu muslimin uu jidhkiisu wasakh ahaa, balse uu tilmaamay muddadii uu muslimay inuu dareemay inuu jidhkiisu nadiif yahay, isagoo dhinaca kalana u soo jeediyey cidkasta oo diinta islaamka dibada ka ahi inay muslinto.

Cabaas Idiris waxaa uu sheegay in uu shanta wakhti ee salaada tukado, isla markaana uu barto Quraanka Kariimka iyo luuqada Carabiga iyo Axkaamta shareecada islaamka, waxaanu John Drysdale oo hadda loo bixiyey Cabaas Idiris uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay wargeyska Haatuf waraysi khaasa kula yeeshay xafiiskiisa Hay’adda Cadastral Surveys ee magaalada Hargeysa ku leeyahay, kaas oo uu sidoo kale kaga waramay in hay’adiisu a 13 kun oo beero ah ay ka xadaysay gobolada Awdal iyo Maroodi Jeex, sanadkan cusub ee 2009 kana ay u qorshaysan tahay inay kala xadeeyaan kun beerood oo ku yaala gobolka Saaxil, waraysigaasina waxaa uu u dhacay sidan:

Mr: Cabaas Idiris oo hore loo odhan jiray John Drysdale oo ka waramaya maalintii uu islaamay waxaa uu yidhi “ Axadii toddobaadkii hore ayaan masaajidka Tabliqiyiinta ee magaalada Hargeysa salaadii Duhur si rasmi ah ugu muslimay taas oo culuma’udiinkii joogay-na ay Ashhaadada ugu qabteen ka dibna ay salaadii duhur aan kula tukaday”

Maxaa kugu dhaliyey inaad diinta islaamka aad soo gasho oo aad muslinto, waxa uu ku jawaabay Cabaas “ Runtii saaxiibadayda shaqaalahayga Hay’ada ayaa in badan igu guubaabin jiray inaan muslimo, ana taladoodaasi waan ka ogolaaday laakiin muddo dheer oo toban sanno gaadhaysa ayaan ka fikiraayey sidii aan muslim u noqon lahaa, dabadeedna ilaahay mahaddii markii dambe ayaan go’aan ku gaadhay maadaama oo aan da’joogo inaan diinta Islaamka ku biiro oo wixii imika ka dambeeya iska cibaadaysto”

S: Intii aanad soo islaamin magacaaga waxaa la odhan jiray John Drysdale hadda oo aad islaantay magacii miyaad bedeshay ?

J: Haa oo waxaan la baxay magac cusub, waxaana la I yidhaahdaa Cabaas Idiris.

S: Goorma ayaad timid Somaliland ?

J: waxaan imid Somaliland markii iigu horeysay 1943 kii, anigoo wakhtigaa ahaa Sarkaal sare oo General ah oo ka tirsanaa saraakiishii ciidamada Ingiriiska, lix bilood ayaana ku soo qaatay dagaalkii Barma, markii dambe ee aan imidna waxay ahayd 1991 kii markii lagu dhawaaqay gooni isu taaga madaxbanaanida Somaliland oo aan ka qaybgalay shirkii lagu qabtay Burco, markii shirkaasi dhamaadayna ee aan dalkaygii ku noqdayna waxaan qoray sideed Buug oo ka waramaya taariikhda jiritaanka Somaliland, markii dambena waxaan soo noqday 1993 kii ilaa imikana sidii baan u joogaa, balse 1998 kii oo wakhtigaa aan la taliye u ahaa madaxweynihii hore ee Geeriyooday ee Marxuum Cigaal ayaan go’aansaday inaan bilaabo hay’adan kala xadaynta beeraha, taas oo aan qalabkii lagu kala xadaynayey beerahana aan dalka keenay, muddada hawshaa kala xadaynta beeraha aanu ku jirnay-na waxaanu Survey garaynay beero tiradoodu gaadhayso 13 kun oo Beerood, oo ku kala yaala gobolada Awdal iyo Madoori jeex, taas oo sanadkan cusubna ay noo qorshaysan tahay inaanu kun Beerood oo ku yaalla gobolka Saaxil aanu kala xadayno.

S: Ma noo sheegi kartaa dareenkaagu sida uu yahay muddadii ka horeysay intaanad islaamin iyo muddadan aad soo islaantay waxa faraqa ee u dhexeeya ?
J: Runtii maalmihii hore ee aanan muslimin jidhkaygu wasakh ayuu ahaa, imika oo aan muslimayna jidhkaygu waa daahir oo aad buu nadiif u yahay, waxaanan dareemayaa naxariis, Quraanka Kariimka iyo Carabigana waxaan ku talo jiraa inaan barto, shanta salaadood si xidhiidh ah ayaan u tukadaa.

S: Maxaad kula talin lahayd ehelkaagii iyo qaraabadaadii reer Ingiriis maadaama oo aad muslintay adigu ?

J: waxaan kula talin lahaa Qoyskaygii iyo eheladaydiiba iyo cid kasta oo diinta islaamka dibada ka joogtaba waxaan u soo jeedinayaa inay diinta Islaamka soo galaan, waxaase ilaahay mahadii ah inaan anigu nasiib u helay anigoo jooga dalka Somaliland oo ah dal muslin ah oo dadkiisuna yahay ummad muslimiin ah, waxaanan qabaa inaan diinta Islaamka iyo Axkaamteedaba barto muddada aan Somaliland joogo.



[
Image

Ni Hao
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 603
Joined: Tue Jun 17, 2008 11:50 am

Re: Cabaas Idiris,Ex John Drysdale Oo Muslimay

Postby Ni Hao » Mon Jan 19, 2009 8:00 am

Well done to the old chap and may Allah bless him with a strong iman and a long life.!


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: No registered users and 31 guests