Postby The_Emperior5 » Tue Jan 20, 2009 2:53 pm
Hotel Cusub oo loogu Magac Daray Madaxweynah Maraykanka Mr. Barack Obama oo Maanta laga Furay Hargey
Written by Qarannews
Jan 20, 2009 at 09:18 AM
Hargeysa(Qarannews)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Siciid Maxamuud ayaa maanta xadhiga ka jaray Hotel Cusub oo loogu magac daray Madaxweynaha Cusub ee Sinjigiisu ka soo jeedo Qaaradda Africa President Barack Hussein Obama ee Maraykanka Mr. Barack Hussein Obama, Hotelkaasi oo laga dhisay magaalada Hargeysa.
Waxana xafladda furitaanka hotelkan lagu soo beegay Maanta oo ay shacabka wadanka Maraykanku u dabaal degayaan fantasiyaha caleemasaarka Madaxweyne Barack Obama, iyadoo intii lagu gudo jiray qabanqaabada xaflada dhaarinta Madaxweyne Obama ay Magaalada Hargeysana isku dubaridka munaasibada furitaanka Obama Hotel oo lagu beegay Maanta.
Xafladda Hotelkan Cusub oo ay ka soo qayb galeen marti sharaf tiro badan oo ka kala socotay qaybaha kala duwan ee bulshada, ugu horeyn waxa madasha furitaanka Hadal ka jeediyay Mulkiilaha
Mulkiilaha Hotelkan Dr. Cabdiraxmaan Axmed Shunuuf, oo isagu ah Aqoonyahan degen wadanka Maraykanka, waxaanu sheegay in hindisaha dhismaha hotelkan ay wakhti fog ku dhalatay isla markaana uu tacab badan galiyay.
Ninka labaad ee Dunida ugu dheer ee reer Somaliland Xuseen Maxamuud Bisad oo isaguna halkaa hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in Hotelkani kamid yahay waxyaabaha la taaban karo ee lagu soo jiidan karo dadka maalqabeenada ah islamarkaana dhiirigelin u noqon kara dadka Muwaadiniinta ah sidii ay u maalgashan lahaayeen dalkooda hooyo.
Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamed Siciid Maxamuud oo isagu xadhiga ka jaray dhismaha Hoteelkan ayaa ku ammaanay mulkiilaha iska leh dadaalka badan ee uu u galay hirgelinta hoteel noocan oo kale ah oo wax weyn ka taraya Aqoonta iyo sumcada ay Somaliland beesha Caalamka kaga kasban karto, isla markaana hotelku wax weyn ka tari doono bilicda magaalada iyo horumarka Wadanka.
Dadweynaha Magaalada Hargeysa oo maalmahanba si weyn u hadal hayay Munaasibada Dhaarinta Madaxweyne Obama ayaa qaar kamid ahi dareeno kala duwan ka bixiyay sida la isugu beegay furitaanka Hotelkan iyo Dhaarinta Madaxweyne Obama taas oo ay ku tilmaameen arrin naadir ah.
Source Qarannews
Hargeysa, Somaliland
Last Updated ( Jan 20, 2009 at 01:50 PM )