Postby kambuli » Wed Jan 21, 2009 12:22 pm
Nope...
Somalia Somali Maryooley ayey ka degi la'dahay...
Ethiopia waxay adeegsataa waa Maryooley...Wixii ku dhaca Somali..waxaa ka masuul ah Somali..
Maxaa dalkooda iyo dadkooda loogu diraya? Maxaa la isugu dirayaa ma caruurbaa?....
Marka ay Jabahdaha iyo Warlordyada iyo Tfg-da iyo cid walba soo hubeyneysey may maya iska dhahaan...
Berigii Cabdulqaasim Madaxweynaha ahaa ayaan in yar oo cadho iga keentay waxaa ka mid ahaa:
Diiriyow dadkaygaa I dilee, Dawaco(Meles) ima duleyseene,
Deef bay ka doorteen, dalkoodii dahabku ceegaagey,
Dulinimo inay ku noolaadaan, daahirsade oo sheege,
Duflaal iyo damiin bay taabaceen, diini ka idlaatay,
Dawladnimo ma doonan darajo iyo khayre,
Dawacadu dabinkeedii bay dalaq wada yidhaahdeene,
Daabax adhiya sidiisi dadkoodii u wada dhoofsheene,
Doqontii 10 indhood walaalkeed ku deyi, duul ah weeyeene,
Damac iyo hunguri baa ka ridey daymo iyo taladiiye,
Duunyaduba dabkay ku gubato way ka durugtaaye,
Dib inay inoo gumeeyaan bay damceen daaim abidkeenee,
In layn doqoni dab kama kacdee, diide nabadiiyee.