Moderators: Moderators, Junior Moderators


Cawar wrote:Who owns waagacusub HG?? its confusing and all bling blingy..it doesnt look like a real news website at all.
And who is hebelkaa shongoole??
Shirib wrote:Cawar wrote:Who owns waagacusub HG?? its confusing and all bling blingy..it doesnt look like a real news website at all.
And who is hebelkaa shongoole??
Sacad own it
Dudaaye wrote:why are they being released if they were murtadeen


Dudaaye wrote:Your opinion please!
Abuu Mansuur oo Leesaanimo u dhurtay.
Waagacusub Media
Mukhtaar Rooboow Cali oo mudo sheeganayay inuu yahay Mujaahid xaq u dirira kana shaqeeyay dagaalada lagu hoobtay ee Mogadishu,Jubbooyinka iyo Galgaduud ayaa markii ugu horeysay si rasmiya isu baraxay ka gadaal markii uu Baydhabo ka sii daayay shan Xildhibaan iyo Madaxda beesha Leesaan Mirifle oo uu ka mid yahay Maxamed Ibrahim Xaabsade.
Mukhtaar Roobow Cali ayaa markii uu Baydhabo qabsaday wuxuu shir albaabada u xiran la yeeshay hogaamiyeyaasha u dhashay beesha Raxanweyn iyo shanta Xildhibaan ee baarlamaanka ugu jira,waxaana Fuaad Shongole oo la socday lagu amray inuu dibada u baxo.
Kulanka Mukhtaar Rooboow iyo madaxda beeshiisa oo socday 40 daqiiqo waxay ku wada hadlayeen Lahjada May mayga,gaar ahaan mida Leesaanta.
Saransoor,Cabdi Fitaax Geeseey,Kiishbuur iyo Xaabsade oo u dhashay Juffadda Leesaan ee Abuu Maansuur ku abtirsada ayaa khudbado ka jeediyay kulanka waxaana markii dambe la isku afgartay inay Magaalada si nabadda uga baxaan.
Madaxda Leesaan iyo Mukhaar Rooboow ayaa gaari qura isla raacay ilaa afar irdoodka,waxayna la hadleen dadweyne isu soo baxay.
Maleeshiyooyinka Mukhtaar Roobow iyo Fuaad Shongole ayaa dagaal iyo qaraxyo is daba jooga oo mudo socday ku qabsaday Magaalada Baydhabo,waxaana ku dhintay lix qof,sagaal kalana way ku dhaawacmeen.
Dadka Bay iyo Bakool ayaa isla dhexmaray in Mukhtaar Roobow u dhurtay Leesaanimo,uuna ka been sheegay Kitaabka alle iyo kalmadahii hore looga maqli jiray.
Maxamed Ibrahim Xaabsade warkiisii ugu dambeeyay wuxuu ku sheegay inuu ka mid yahay hogaamiyeyaasha u taagan la dagaalanka Khawaarijta Al-Shabaab ayna wada socdaan Barre Hiiraale.
Falka uu ku kacay Mukhtaar Rooboow wuxuu dareen geliyay shacabka iyo waxgaradka Jubbooyinka,waxaana laga yaabaa inuu dagaal ka qarxo Magaaladda Kismayo.
"Waxaa la yaab nagu noqotay Maxamed Ibrahim Xaabsade iyo Saransoor waa Culumo,Waldiirana wuxuu ahaa gaal"sidaas waxaa yiri Sheekh ka tirsan Jabhadda Kaambooni oo la hadlay Waagacusub.
Si kastaba ha ahaatee,dhacdada Baydhabo waxay sawir cad ka bixisay wuxuu yahay Mukhtaar Rooboow.


Return to “General - General Discussions”
Users browsing this forum: No registered users and 76 guests