Gacan ku haynta Dhuusa-Mareeb oo goordhaweyd ay Dagaal kula wareegeen kooxda Ahlu sunna waljameeca.
Soomaalinews.com 29 Jan 09, 08:21
Wararka ka imaanaya Gobalada dhexe ee dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Dhuuse-Mareeb ayaa sheegaya in uu halkaas ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya xoogaggii dhawaan ku dagaalamay qeybo ka mid ah Gobalka gaar ahaan Guriceel.
Dagaal xoogan oo ku dhexmaray Gudaha Magaalada Alshabaab iyo Alsunna Waljameeca oo laysku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa dadka deegaanka waxa ay sheegeen in magaalada gacan ku haynteeda ay la wareegeen Alsunna Waljameeca.
Xiriiro aan la sameynay Degmada dhuuse mareeb ayaa waxa ay xaqiijinayaan in ay haatan gacnata ku hayaan kooxda Ahlusuuna Waljameeca kuwaas oo dagaal ba'an la galay Xoogagga Alshabaab oo halkaas gacanta ku hayay.
Waxaa soo noq noqday dagaalada u dhaxeeya xoogagga alshabaab iyo Ahlu sunna,kuwaas oo galaaftay nolasha dad badan oo ku noolaa gobalada dhexe gaar ahaan degmada Guri-ceel iyo Dhuuse mareeb.
Majirt wax war ah oo ka soo baxay labada dhinac ee ku dagaalamaya saaka Degmada Dhuusa-mareeb iyo khasaaraha kala gaaray labada dhinac iyo shacabka.
http://soomaalinews.com/view_contents.p ... leid=11745






