The X Jubooyinka Governor is Back
Posted: Thu Feb 05, 2009 3:01 pm
War goordhaweyd naga soo gaaray magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Sheekh Axmed Maxamed Islaan (Sheekh Axmed Madoobe) uu markii ugu horeysey kasoo fakaday gacanta Ethiopia oo muddo sanad iyo bilooyin uu u xirnaa.
Wafti uu Sheekh hogaaminayo oo ay ka midyihiin Prof. Gaandi (ninka loo tirinayo noqoshada ra?isulwasaaraha Soomaaliya) iyo Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa galabta dayuurad qaas ah oo iyaga wadday ay kasoo degtey Jabuuti.
Waftiga ayaa waxaa loo dhaadhiciyey guriga madaxtooyada oo uu degenyahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed halkaas oo ay wada xaajood foolka fool ah ku leeyihiin.
Sheekh Axmed Madoobe ayaa ciidamada Maraykanka ka qabteen miyiga Jubooyinka kadib markii uu ku dhaawacmay duqeyntii Maraykanka, kadibna waxay gacanta u galiyeen Ethiopia oo xabsi dhigtey, balse muddo billo ka hor ah ayaa banaanka la keeney balse lagu amray in uusan Addis Ababa ka bixi karin.
Sheekha ayaa waxaa lagu daray xildhibaanada isbahaysiga garabka Jabuuti ee baarlamaanka ku biirey, waa qofka 135 aad ee liiska xildhibaanada ARS.
Sheekh Axmed Islaam wali muusan u dhaarin xildhibaanimo.
Waxaa la aaminsanyahay in Sheekh Shariif uu soo deeyntiisa kala hadlay Males Zanawi oo uu la kulmey, lama oga in labbada nin ay Addis ku kulmeen iyo in kale.
Maadaamaa Ethiopia ay taageertey dowlada Shariifka ma jirto sabab ay kusii heeysan kartay mas?uul ka tirsan dowlaadaasi.
Lama oga in Sheekha loo magacaabi doono wax xil ah oo xag wasiirnimo ah sida dadka baddankood ay qabaan.
Sheekh Axmed Madoobe waa shaqsiyad muhiimad weyn leh, inta baddan mujaahidiinta ayaa taageero xoogan u heeysa Sheekha, waxaana la aaminsanyahay in uu udub dhexeed u noqon doono wax kasta oo wadahadalo ah oo uu Shariifka la galo mujaahidiinta hubeysan, gaar ahaan kuwa Jubooyinka ka howlagala.
Soo deynta Sheekha iyo ka mid noqoshadiisa dowlada Shariifka ayaa waxa ay kusoo aadaysaa xilli 4 ka mid ah mujaahidiinta ay ku dhawaaqeen xisbi mideeya oo u saansaan eg in uu yahay xisbi barnaamij siyaasadeed oo dalka lagu hago ah leh, isla markaasina u diyaar garoobaya isbadal kasta oo dalka ka dhaca, Sheekh Axmed Madoobe ayaa saameyn weyn ku dhex leh xisbul Islaam ee iminka lagu dhawaaqay, waana ninka kaliya ee laga yaabo in ay u dhag raariciyaan.
Dad baddan waxay Sheekha ku xasuustaan dhacdadii Wilson Airport ee Nairobi kadib markii dayuurad ay kula haboowdey Nairobi, xiligaasi oo dowlada Kenya ay isku dayday in ay xirto Sheekha iyo illaaladiisa hubeysan ayaa waxaa ka dhashay qalalaaso siyaasadeed oo gilgiley Kenya oo dhan kadib markii kacdoon shacab oo xoogan uu ka dhashay falka, Kenya waxay ku qasbanaatay in ay siideyso Sheekha oo safar shaqo ugu socdey Xamar.
Warka ku saabsan soo deynta Sheekha ayaa waxaa ka dhalan doono damaashaadyo iyo farxad weyn, gaar ahaan gobolada Jubooyinka.
Kismaayonews ayaa qorsheynaysa in ay waraysi xiiso baddan Sheekha la yeelato.
Sida ay wararka sheegayaan waxa uu ahaa qof caafimaadkiisu wanaagsanyahay, kana bogsaday dhaawacyadii duqeynta kasoo gaaray.
Wallow soo deeysmadiisa ay dadka inta baddan farxad u tahay, haddana waxaa taagan wali su?aalaha ku saabsan ka mid ahaanshihiisa dowlada Shariifka oo wali aanan taageera buuxda shacabka ka helin.
KismaayoNews.com