Sh Nuur Baaruud oo ka mid ah Gudiga Culimada ee Musaalaxada iyo Sixitaanka oo ka warbixinayey kulankii Shaley Xarunta Madaxtooyada kula qaateen Madaxweyne sh.shariif Sh Axmed, ayaa sheegay inay la tahey in la taageero DKMG ah, si Dhibaatooyinka kale duwan ee Dalka ka taagan looga baxo.
Waxa kale oo uu ku baaqey inaan colaad waxba lagu raadib basle ciddii wax tabaneysa maadaama Wadanka Dowlad ogal Sharciga Islaamka in wax lagu xukumo ay ka jirto, wada hadal la galaan oo Xisbiyo ay furtaan.
Mar uu arimahaas ka hadlayeyna isaga oo la hadlaya Sheekhu, Idaacada Shabelle waxa uu yiri:”Umada waxaa lagu bad baadin karaa, Soomaali wey heshiisay Maamul ayaa u dhashey, Maamulkaas oo waliba aanu rajeyneyno kheryka iyo wanaaga inuu noo horseedo, Maamulkaas in la ayido oo Ilaahey laga cabsado oo dhibka Umada laga daayo, wixii jira oo tabasho ahna, Musaalaxo, Wadahal iyo Walaalnimo lagu xaliyo, Amnigana si wada jir ah loo sugo, Qarankeena si wada jir ah aanu u dhisano inagoo hal gacan oo keliya ah”.





