Madaxwayne Faroole" Hadii aan Raisawasaare Loo Magcaabin Xasan Abshir" ima Cuntanto Dawlada Sheekh Shariif.
Madaxwaynaha Ismaamul Goboleedka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa Maanta waxa uu si Toos ah shaaca uga qaaday inaanay Dawlada Somaliya Aqbalayn hadii aan Siyaasi ka mid ah kuwa ay Isku Haybta yihiin loo Magcaabin Xafiiska Raisawasaare ee Somaliya, Mr Faroole oo wali ku sugan Magalaada Ganacsi ee Bosaaso ayaa si daasi sheegay xili uu qaar ka mid ah Xildhibaanada Beeshiisa ah ee Dawlada Pl uu Shir kula Jiray iyo Odayaal dhaqameedyo.
Madaxwayne Faroole ayaa si Cadho leh u Yiri" Dawlada uu Madaxda u yahay SHeekh Shariif wax Gacan saar ah lama yeelandoono hadii aan Raisawasaare loo Magcaabin Xasan Abshir Faarax oo ahaa Siyaasi Reer Nugaaleed ah isla markaana Codkiisii Doorashada Puntland ee Janaayo, iigu Heeliyay ka dib Markii uu Tanaasulay" Ayuu Yiri C/raxmaan Faroole.
Madaxwayne C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in hadii laga dulboodu ay Goosanayso Puntland isla markaana aanay Somaliya inteeda kale ka mid ahayn waa Hadii Talada uu wato loo Hogaansami waayo, C/raxmaan Faroole ayaa warar Hoose sheegayaan inay Khadka Telfoonka kuwada xidhiidheen isaga iyo Madaxwayna Cusub ee Dawlada Federaalka Somaliya Sheekh Shariif walaw, aan si Faah Faasan Loo sheegin Ujeedka dhabta ah ee ay kawada hadleen, Hadana Warar Madax-Banaan ayaa sheegaya in Faroole uu ku Adkaysano in Siyaasi Beeshiis ah loo Magcaabo xilkaasi, halka ay Meesha ku Loolamayaa dhamaan Siyaasinta Beesha Daarood oo iyadu la Hubo inay xilkaasi Leeyihiin marka loo eego Qaabka ay ku dhisantahay Dawlada Somaliya.
Waxa Xusid mudan in dhamaan Dadka Degan Gobolada Puntland ay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan Dawlada Cusub, iyaga oo aan dheg Jalaq u siisayn Hadalka Faroole uu qaar ka mid ah Warbaahinta ka sheegay, taasi oo u Muuqata mid uu Faroole ku Kala Gooynayo Somaliya inteeda kale oo aan Kala Maarmin.
http://www.dayniile.com/febaraayo009/11 ... raayo4.htm



Thats what i call being stubborn.

