I like how captain forgot to write allpuntland on his topic
Captain Gedonet just had an update couple minutes ago and this is what it said, they say everything is finished, all the talking is finished, it is Maslax and he will be announced soon
Gen.Maslax Mohamed Siyaad Bare Oo Noqonaya Raisal Wasaaraha cusub ee Dowlada Midnimo Qaran Djabuuti
Feb 12,2009
by Jabuuti-Gedo News
Warar hoose aanu ka helnay ilo ku dhaw dhaw xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya sheekh Shariif Sheekh Ahmed ayaa sheegaya in laga yaabo in berito subax ama Jimcaha la shaacin doono in General Maslax Mohamed Siyaad Bare uu noqon doono Raisal wasaaraha cusub ee Dowlada Midnimo Qaran ee dalka Soomaaliya.
General Maslax ayaa ah wiil u dhalay Madaxwaynihii hore dalka Soomaaliya gen.Mohamed Siad Bare oo Soomaaliya maamulayay mudo ka badan 21 sanadood. Gen. Maslax Mohamed Siyaad ayaa kaalinta 2aad ka galay tartankii xilka Madaxwaynenimo ee dalka Soomaliya, isagoo helay 126 cod.
Lolanka qabashada xilka Wasiirka kowaad ayaa moodaa inay si fiican uga socoto dalka Jabuuti, iyadoo musharixiin badan oo ka soo jeeda beesha Daarood ay u xusul duubayaan inay qabtaan ayaa hadana waxaa jira lolan u dhaxeeya musharaxiinta dhaxdooda, kuwaas oo beelahooda xooga ku saraya inay culays ku saaran Madaxwaynaha si ay gorgortan balaaran ugu galaan.
Haseyeshee sida aan warar hoose ka soo xiganayno ayaa sheegaya in Beesha Daarood intooda badan ay codka kalsoonidooda ay siiyeen General Maslax Mohamed Siyaad Bare, inkastoo ay jiraan beelo yar oo saluugsan go'aanka ay qaateen inta badan xubnaha Baarlamaanka isku dhafka uga jira, go.aankaas oo ah in Beesha Daarood ay qaateen in Madaxwaynaha Soomaaliya uu berito wixii ka dambeeya ay xilka Raisal wasaaraha dowlada midnimo qaran u magacaabo Gen.Maslax Mohamed Siyad.
Dhanka kale, warar ayaa sheegaya in Xildhibaanada kala ah Prof Mohamed Gaandi iyo Mohamed Abdi Yusuf ay ka sharaxan yihiin dhanka Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, balse aad moodo inay isku xulufo hoose yihiin Gen.Maslax Mohamed Siyad Bare oo laga yaabo inay tanasul u sameeyaan halka aad moodo in xildhibaano ka soo jeeda Puntland oo xiriir hoose la leh dowlada Ethopia ay doonayaan inay qabtaan xilka Raisal wasaarenimo. Waxaa jira iyana culays ka imaanaya dadka degan magaalada Muqdisho iyo Muqaawamada oo doonaya inaan xilkaas loo magacaabi karin shaqsi ku xiran Ethopia oo aysan wada shaqayn dhaxmari karin.
Gen.Maslax Mohamed Siad Barre waa nin edeb wanaagsan leh isla markaana aan hadal badnayn, inkastoo aan la garan karin qaabka ula tacaalaya xaaladda dalka Soomaaliya oo ka duwan hadda xiligii uu dalka aabihii Marxuum Mohamed Siad Barre talada dalka hogaaminayay.
Waxaase la sadaalinayaa inuu wax badan ka yaqaan qaab ay u shaqayso dowlada iyo dowladnimada isla markaana uu wadankiisa daacadnimo ugu shaqayn doono, isagoo dowlada cusub ku soo biiran kara ciidan tayo leh oo aad u xoogan oo wax ka qabta sugida amniga dalka.
Gedo-news Nayroobi