Its gonna go to Majerteen, and in being unbiased they deserve it more.

Madaxweyne Shariif oo maanta ku dhawaaqaya Ra'iisul Wasaare
Wararka ka imaanaya Magaalada Jabuuti ee Jamhuuriyada Jabuuti ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed uu dhameeyay wada tashiyadii u dambeeyay ee uu ku magacaabayo Ra'iisul Wasaaraha, iyadoona kama dambeys ay maanta uu ku dhawaaqayo.
Sida ay bogga Mareeg.com u xaqiijiyeen ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa sheegaya in Mr Shariif Sheekh Axmed uu ku guda jiro magacaabista Ra'iisul Wasaaraha, iyadoona waqtiga uu yahay mid ku ciriiri ah, waxaana jira cadaadis xoogan oo Madaxweynaha ugu imaanaya cidii uu u xulan lahaa inuu u magacaabo Ra'iisul Wasaaraha.
Madaxweyne Shariif iyo Afhayeenka Baarlamaanka Aadan Madoobe ayaa xalay qaatay kulan dheer, kaas oo ku saabsanaa soo magacaabida shaqsiga noqonaya Ra'iisul Wasaare, waxaana la soo sheegayaa in labada Mas'uul ay isku waafaqeen waxyaabihii ay ka hadleen ee ku aadanaa magacaabista Ra''iisul Wasaare cusub.
Wararka ayaa sheegaya in gelinka dambe ee maanta uu Madaxweynaha magacaabayo Ra'iisul Wasaare, waxaana miiska u saaran dhowr musharaxiin dhowr ah oo u loolamaya jagada Ra'iisul Wasaaraha.
Inkastoo sida Axdiga KMG qabo Ra'iisul Wasaaraha la soo magacaabayo ayaa noqon doona mid ka soo jeeda Beelaha Daarood, maadaama qaabka 4.5 ee awood qeybsiga ah uu dhigayo, mar hadii Beesha Hawiye heshay Madaxweyne.
Beelaha Majeerteen iyo Mareexaan oo ka soo wada jeeda Beelaha Daarood ayaa loolan ugu jira jagadaas, iyagoona kala wata musharaxiin kala duwan oo ay doonayaan in loo magacaabo xilka Ra'iisul Wasaaraha.
Maslax Maxamed Siyaad ayaa la sheegayaa in Beesha Mareexaan ay wadato, halka Beesha Majeerteen oo ay ku faaneyso dhul baaxad leh inay gacanta ku heyso ay wataan shaqsiyaad dhowr ah oo uu ku jiro Cali Cabdi Awaare oo horay Wasiir uga soo noqday Dowladda Goboleedka Puntland.Lama oga sida uu u xulan karo shaqsi wanaagsan oo samata bixiya shacabka, kaas oo la yimaada karti iyo dadaal dheeraad ah, waxaase hubanti ah inay soo baxaan mucaarado lagaga soo horjeeda shaqsiga uu u magacaabo xilka Ra'iisul Wasaaraha, waxaana horay u dhici jirtay in beelaha ay saluugaan marka shaqsi kale la siiyo.