Hargaysa oo qaraxis dhaqaale lagu dhuftay
Hargaysa,(Qarannews)-Waxa jirta shabakad si xarfadi ku jirto uga urursatay dadkii hargeysa ha u badnaadeen dadka ay lacgataas ka ururusdeen haweenka'e oo dhacday lacag malaayin doolar ah.
Hawshan oo la oron jiray( Fadhi ku dhereg )Waxay samayn jireen: waxay shaqaalaysiyeen dumar badan oo Niqaab so xidhnay geed hostina kugula balamaya deedna ku oronay keen lacagta aad rabto in laguugu shaqeeyo waxaanay sinayeen qofka 1000 dolar dhigta 150 dolar oo faaido ah bishiiba, dadka qaarna way uga badinayeen , dadkan masaakiinta ah way yar tahay reer hargeysa cid aan galine, dibadaha lacagta laga so dirayo hadalkooda daa, guryo , jagooyin iyo wax waloo la helayaba waa la dhigtay xitaa reer miyigii ayaa awrtoodii ay rarayeen soo ibiiyay oo ku darsaday.
Hadaba si kasta waa loola hadlay dadkan oo culimada ayaa arintan xoog uga digi jiray mudooyin badan sheegayna in arintani tahay xaaraan iyo waliba wax aakhirka lagu dhacayo dadka, ha ugu sii qaylo dheerado Shekh Dirire, laakiin dheg jalaq looma siin waxaanay ku jeesjeesi jireen sheekha isaga aya ku jira ama xaasaskiisa ayaa ku jira.
Waxay samayn jireen lacagtan dadka ay ka qaadayaan uun bay iyaga ku celin jireen oo ay siin jireen dadka kale. Waxa dhacday dadk badankiisu inay marki ay amineen lagu dhahay lacagta bil walba idin so baxda daysta hagbad ayaan idin galinaynaaye deedna ay sidaas ku daysan jireen hagbado dhaadheer aya la galin jiray masaakintan xoolahooda.
Qisada ugu layaabka badnayd ee jirtay waxay ahayd qofka lacagta loo dhiibayo oo shuruudahan soo qadimaysey: 1. inaad waydiin lacagta waxa lagu qabanayo 2. inaad lacagtaada wax cadayn ah lagu siinayn in laguu hayo 3. inaad aniga waxba ii raacin haddii lacagtaada la waayo ama wax kaleba ku dhacaan 4. iyo in aanad lacagta soo doonayn oo meel aad ka qaadanaysaa jirin laakiin gurigaaga laguugu keenayo bilwalba, shuruudahan oo marka aad aragto qof kasta oo caqli leh garanayo in la dhacayo hadana waxa laga fujin waayey dadka oo mid walba toban qof oo waxoodii qaatay oo hadana lacagtii gurta kuu sheegayo, kuna odhanayo fadhi ku daaqayga ayaad ka soo horjeedaa!!!.
Hadaba ilaa shalay 18/2/2009 ayaa jaahwareer xoogbadan ka taagan yahay magaalada hargaysa, iyadoo qofkasta oo la dhacay uu cid uu ku cadho burburona xataa waayey oo dumarkii ay ka soo hadhay inay seexdaan cadho darteed. waxaan jirin raad la raaci karo oo qof warqad la siiyey in lacag laga qaaday ma jiro.






