Page 1 of 3
mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 8:53 am
by Diyeeshaha_Tolka
abuu mansuur oo moqfiisa ka badaly sidii hore,,asaga iska diiday inay alshabab shaqo ku leedahay qabuuraha la burburiyey iyo dilka qorsheysan iyo ninkii la gowracay
http://www.halganka.net/node/20809
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 8:54 am
by Captain24
Abu Elaay should take his forces from Hamar and go to Baydhabo, he's becoming a road block to peace and unity

Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 8:55 am
by peace-
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 9:02 am
by Diyeeshaha_Tolka
suaalaha la weydiiyey suaashan ayaa kamid aheed
Al-Gezira: Sida aad sheegayso hadduu arrinku yahay, qabuuraha oo la dudumiyo ama Alaska in la gaaro oo halkaas shareecada lagu dhaqaa ma kamid yihiin yoolalkiinna maanta kuwa ugu horreeya?.
Abuu-Mansuur: Anigu magaalada Baydhabo ayaan marka hore hagaajinayaa, waxanan ka hirgelinayaa ku dhaqanka shareecada Alle, keddib waxaan u gudbayaa Diinsoor oo kamid ah magaalooyinka gobolka Bay ayada ayaanan hagaajinayaa, sidaas bayna arrimuhu u soconayaan. Markaad rabtid inaad geed fuushis jiridda ayaad ka billaabaysaa ee ku boodi maysid laamaha. Warkaas waxa faafiyay kanaalka Al-Gezira ee Afka Ingiriiska ku hadla, waxayna warkaas ka gudbiyeen nin xamaasadaysan isagoo leh shareecada ayaan ka fulinaynaa Alaska, warkaas oo u eg mid ay yiraahdeen rag ka tirsanaa maxkamaidhii Islaamka. Warkaas waa la’ii sheegay ee anigu qof ahaantiisa kama aanan maqal. Waxay dheheen Ciidda waxaan ku tukanaynaa Addis Ababa, arrintaasina ma aysan dhicin. Waxa warkaas yiri dad aynaan garanayn, laakiin kuma jiro istiraatiijiyadeenna. Ma doonayno in aan cidna ku xadgudubno. Waxaan doonaynaa in aan dhulkeenna hagaajisanno, diinta Islaamkuna khasab mid lagu soo galo ma aha. Dhanka qabuuraha, meelaha uu dhaqdhaqaaqa mujaahidiinta Al-Shabaab keligiis xukumo waxa ku yaal qubuuro, hana rumaysannina haddii la idin yiraa waa la dudumiyay. Duduminteedu shareecada ma waafaqsan tahay mise maya taasi waa mas’alo kale oo baaritaankeeda leh., waana la faaqidi karaa marka waqtiga ku habboon la gaaro. Annagu waan naqaannaa waxa kutubta ku qoran, laakiin arrinkaas in laga hadlo waqtigaan hadda la joogo waa wax kale. Waxaad ogtihiin in shareecada Islaamku ay ahmiyad siiso masaalixda (waxa ay danta guud ku jirto) iyo mafaasidda (waxa dhibka guud keenaya). Waxa aan samaynayno waa in aan hubsannaa samayntoodu ma habboon tahay maanta mise maya. Nabigu (SCW) wuxuu Caa’isha (RC) ku yiri: (Haddii aanay qoomkaagu ahaan lahayn dad ay diintu ku cusubtahay, Kacbada intaan dumiyo ayaan ku dul dhisi lahaay tiirarkii uu Nabi Ibraahim (CS) taagay) (Sunan At-Tirmidi). Rasuulku (SCW) wuu ka joogsaday inuu Masjidka dhiso waxana u bannaanaa inuu dadka oo diinta ku cusbaa dareenkooda il gaar ah ku eego. Wuxuu arkayay in dadka loo dhimriyo ilaa iyo inta laga gaarayo marxalad dadka oo dhami ay fahmi karaan waxyaabahaas ay diintu farayso oo dhan. Rasuulku (SCW) wuu ku diiday qofkii soo jeediyay in la dilo munaafiqii Cabdullaahi ibni Ubay si aan loo dhihin Maxamed asxaabtiisuu laayaa. Waa inaynu daryeelnaa masaalixda iyo mafaasidda oo haddii munkarka (waxa aan fiicnayn) oo dadka laga reebayo uu ka dhalanayo munkar ka weyni dadka laga reebi mayo. Haddii tusaale ahaan qabri dumintiisu ay keenayso in qabaa’ilka qaarkood ay hub qaataan oo dhiig xaaraan ah la daadinayo dhibaatana ay ka dhalanayso, waxa waajib ah in aan la degdegin oo arrinka dib loogu dhigo waqtiga ku habboon ilaa iyo inta ay dadkaasi arrinka dhanka diinta uga qancayaan. Dhacdadaasi waxay ka dhacday Kismaayo, waxana ka jira maamul saddex geesood ah; Mucaskarka Raas-Kambooni, walaalaha maamulka Caanoole iyo dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, nidaamkaasina waa mid madax bannaan oo go’aamadiisa lagu xisaabi mayo ururradii uu kasoo kala jeeday. Waxaynu aaminsan nahay in si tartiib tartiib ah hore loogu socdo. Fiiri, xitaa markii Khamrada la xarrimayay arrinku wuxuu maray saddex marxaladood: (Waxay wax kaa weydiinayaan Khamrada iyo Khamaarka, ku dheh: labadaba waxa ku jira dembi weyn iyo waxyaabo dadka anfacaya) (Suurat Al-Baqara: 219). Marxaladdii labaad waxay ahayd: (Salaadda ha’u dhowaannina adinkoo sakhraansan ilaa aad kala garataan waxa aad sheegaysaan) (Suurat An-Nisaa’: 43). Ugu damabyntiina ((Kuwa xaqa rumeeyayow Khamrada, Khamaarka, Sanamya caabudka iyo Bakhtiyaa-nasiibku waa qurun camal Shaydaan ahe ka fogaada aad liibaantaane.) (Suurat Al-Maa'ida: 90). Waa kuwaas waxyaabaha ay diinteennu ina farayso.
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 9:15 am
by Diyeeshaha_Tolka
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 9:19 am
by Foxy22
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 9:21 am
by Foxy22
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 9:26 am
by Somaliman50
http://kataaib.info/sh/abuxoriyah.htmhttp://kataaib.info/sh/shaakir.htmtheres an asian and ethiopian dude that died in alshabaab combating according to their website
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 10:03 am
by Diyeeshaha_Tolka
abakar20 wrote:http://kataaib.info/sh/abuxoriyah.htm
http://kataaib.info/sh/shaakir.htmtheres an asian and ethiopian dude that died in alshabaab combating according to their website
sxb kan la baxay magaca abu-xoriya waa afro-american
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 10:17 am
by AbdiWahab252
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 10:24 am
by Diyeeshaha_Tolka
AbdiWahab252 wrote::lol:
Diyeeshasha,
Illahey ha iga qadiin Adeerkegi Axmed Diriye

adeerkaa ahmed bililiqo maxaa keenay meesha,,,
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 10:25 am
by AbdiWahab252
Diyeeshasha,
Wa ninka ka adag nacaska aad Bay ka sow wadeen.
Makhamiinta = Ibliis korsade

Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 10:28 am
by Diyeeshaha_Tolka
roboow qaladaadkii hore wuu kasoo laabtay hadan wuxuu yiri aniga waxan ahay reer baydhabo halkaygan ayaan ku ekaanayaa,taasina qalad kuma lahan,,
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 11:07 am
by Murax
Re: mukhtaar roobow
Posted: Tue Mar 03, 2009 11:11 am
by Air Canada
Lool@ calanka buluuga waa xaaran. Inkaar qqabe Amin Amiir maybe doesn't know this to be true but Al-shabaab really believes that...and I,too, believe that.