Cali_Gaab wrote:
without mentioning Basra?
Ok, lemme try
Beri baa waxaa jirtay inan la odhan jiray Bas........errr Qaali
Ok, here we go.
Beri baa meel gole ah oo shir lagu qabay ayaa shirkii waxaa dhexdiisii ay dhuuso kaga fakatay nin la odhan jiray Cabdillahi. Ninkii naxdin iyo yaxyax dartii ayuu magaaladii Hargeisa uga guuray oo wuxuu degey Jigjiga. Waxaa ka soo wareegtay muddo 15 sano maalintii uu dhuusay. Wuxuu is yidhi arrintii kolley wax hadda xusuusan kara ma jiree, ku laabo Hargeisa. Halkii buu gaadhi ka soo raacay, markii ay marayeen Wajaale, ayaa labo islaamood oo Cabdillahi kusiga ka horreeya fadhiyay ayaa is wareystay. Mid baa tii kale ku tidhi "Naa Cambaro, horta wiilkaaga curad waa imisa jir?" Cambaro oo faan yari codkeeda ka muuqdo ayaa waxay tidhi "Naa waa nin weyn oo imika waa 15 jir, oo wuxuu dhashay gu'gii Cabdillahi dhuusay"!!!!!!!!!!!!!!!!!!!
War belaayo badanaa.
Halkii buu kaga dagay gaadhigii oo uu dib ugu laabtay Jigjiga.
Now how is that. The only forein word would be "kursi" and that is a Somalized word