Page 1 of 3

Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:12 pm
by Somaliman50
Meydadka dad la’aaminsanyahay in ay dileen ciidamada Ethiopia xiligii ay ku sugnaayeen xeradii Asluubta ee Magaalada Muqdisho ayaa maanta laga soo saaray xabaalo ku dhow halkaasi.

Meydadkaani oo ay tiradoodu gaarayaan ilaa 5-meyd oo bilo ka hor ay dileen ciidamada Ethiopia ee fasriisinka ku lahaa xeradii hore ee ciidanka Asluubta ayaa maanta waxaa laga soo saaray Xabaal wadareed ay ku Aaseen ciidamada Ethiopia xiligii ay ku sugnaayeen Soomaaliya.

Ehelada qaar ee meydadka ayaa waxaa u suura gashay in ay ka kasoo bixiyaan halka ay ciidamada Ethiopia ku aaseen kadib markii ay ku wargaliyeen in ay ku aasan yihiin goobtaasi dad degan Agagaarka Asluubta,waxaana mid ka mid ah ehelada dadka ay dileen ciidamada Ethiopia mudo ka hor oo maanta kula hadlay saxaafadda halka laga soo saaray meydadka uu sheegay in 5-taan ruux ay 4-ka mid ah ahaayeen dhalinyaro kuwaasi oo labo ka mid ah ay walaalo ahaayeen,isagoo arintaasi ku tilmaamay in ay qeyb ka tahay dhibaatadii ciidamada Ethiopia ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed.

Dhalinyarada meydadkooda maanta laga helay xeradii hore ee Asluubta ayaa inta aysan dilin ciidamada Ethiopia waxaa ay wateen gaari nuuca Homayga loo yaqaan oo ay ku wadeen nin dhaawac ah kuwaasi oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ethiopia xili ay marayeen Albaabka hore ee Asluubta,iyadoo xiligaasi kadibna ay dileen ciidamada Ethiopia,waxaana darawalkii gaariga oo lagu magacaabayay Tahliil la saarnaa gaarigaasi dhalinyaro kale oo iyana lagu kala magacaabo Nuur Cumar Fareey,Cabdi Xaashi Gacal,C/laahi Max’ed Rooble iyo Nuur Cabdi Xaashi,kuwaasi oo dhamaantood la sheegay in ay ahaayeen ehelo isku dhow.

Afhayeenka dhanka howlgalada ciidamada Maxkamadaha Islaamiga Sheekh C/raxiin Ciise Cadoow oo maanta ka hadlayay goobta laga soo saaray meydadkaani ay bilo ka hor dileen ciidamada Ethiopia ayaa waxaa uu sheegay in arintaani ay qeyb ka tahay gumaadkii ay ciidamada Ethiopia u gaysanayeen shacabka Soomaaliyeed waqtigiii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Meydadkaani maanta laga soo Saaray xeradii Asluubta oo ay fariisin ku lahaayeen ciidamadii Ethiopia ee joogay Soomaaliya ayaa 4-ka mid ah waxaa ay ku aasnaayeen hal god kuwaasi oo labo ka mid ah ay ahaayeen walaalo.

Intii ay gacanta ugu jireen dhalinyarada maanta meydadkooda la helay ciidamada Ethiopia ayaa waxaa xiriiro kala duwan la sameeyay madaxda dowladda iyo saraakiisha ciidamada Ethiopia ehelada dhalinyaradaani kuwaasi oo ku guuldaraystay in ay ka bad baadiyaan gacanta ciidamada Ethiopia,waxaana markii dambe lagu wargaliyay ehelada in la dilay dhalinyaradaani.

Bishaan gudaheeda ayey aheeyd markii xoogaga Ururka Al Shabaab ay 11-meyd oo la sheegay in ay dileen ciidamada Ethiopia ka soo saareen warshada Xaseey ee ku taala Magaalada Baydhabo halkaasi oo xili fariisin u aheeyd ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa gudaha Magaalada Baydhabo,waxaana arintaani ay cedeyn u tahay xasuuqa muuqda ee ciidamada Ethiopia ay u geysteen shacabka Soomaaliyeed xiligii ay ku sugnaayeen gudaha dalka Soomaaliya.

Image

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:12 pm
by The_Emperior5
ilahay ha ooo naxariisto wixii halka ku geeriiyooday wa wax laga naxo
amiin

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:13 pm
by Addoow
AUN .

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:15 pm
by AhlulbaytSoldier
May Allah have mercy on their souls.

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:19 pm
by Somaliman50
Image

codkaaga kor u qaad!!

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:22 pm
by AbdiWahab252
AUN

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:24 pm
by snoop12
AUN


abakar20 wrote:Image

codkaaga kor u qaad!!


codkaaga kor u qaad :!: :!: :!:


if things do not start to change Sharif will lose a lot of supporters including me :|

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:24 pm
by Addoow
This is the work Of the Late Criminal President A.Y! May A hungry Lion Feast ON him.

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:26 pm
by Somaliman50
snoop, its not a question of supporting him or not. as long as he is supposed to be the president, its his duty to take concern for his people, and he has been keeping queit in recent days.

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:34 pm
by AhlulbaytSoldier
abakar20 wrote:snoop, its not a question of supporting him or not. as long as he is supposed to be the president, its his duty to take concern for his people, and he has been keeping queit in recent days.


Maybe the amiir lacks strong leadership and military experience w'allahu a3lam.
A strong president should speak about the difficulties facing somali people. A strong leader warns alxaaram and other terrorist groups.
There are however positive side such as the dialogue the president has with clan elders and scholars.

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:39 pm
by snoop12
what i dont get is, the man who achieved peace for 6 month in somalias worst affected area is now sitting on his hands :shock: either he is a sell out or there are reasons for his silence and lack of involvement.

either way i still support him for now despite his weak leadership :| i dont think somalia will ever get a strong president like the former president MSB (aun)

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:41 pm
by Somaliman50
he was a better player when dahir aweys was with him. sh dahir aweys was a defiant leader with strong views, too bad he plays the cards differently.

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:42 pm
by Advo
RIP

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:45 pm
by snoop12
would the situation today be different if Maslax was selected as PM??? it seems this government lack people such as Maslax who would find ruling a country their natural habitat :lol:

Re: Mass grave discovered in Muqdisho!

Posted: Sun Mar 22, 2009 5:48 pm
by AhlulbaytSoldier
abakar20 wrote:he was a better player when dahir aweys was with him. sh dahir aweys was a defiant leader with strong views, too bad he plays the cards differently.


Sh.Sharif should really sent amisom back to their countries and see what happends. Maybe Aweys and turki might join him,while alxaaram still accuses sh.sharif of being murtad even though 1) somalia is ruled by shariahlaw, and 2) amisom left. This will expose more the sinister hidden agenda of al-munafiqeen.