Postby Skippa » Mon Mar 30, 2009 10:53 am
Your friend is crazy and I'll tell you why:
One day anoo busaaradaysan ayay gaajo i qabatay, guriga waxa ii yaalay half baasta ah, waan saluugay, se waan iska bismilaystay litir biyo ah na waan ka daba geeye...alxamdulilaah wey iga badatay oo waaban hambeeyey. habeen danbaan u dhigtey...maalintii danbe mid aanu jaar ahayn oo ah student sideyda iska liita ayaa i yimid anoo cashadii isa soo hor dhigey oo isku daji is leh...horaan wax isku dhaafi is idhi, wey iga dagi weyday waayo wuu i quudayey, ishiisu yaanay kugu dhicin baan is idhi oo rubuci baastada ahayd ayaan ku casuumay..."tafadal, dhinaca ka qabso" ayaan ku idhi ...waanu bismilaysanay...biyihinaa waanu ku kabanay...wey naga badatay oo waxbaan soo reebnay...waan dabooshay deetana talaagadii ku ceshay. habeenkii sadexaad ayaan isla yaabay oon is idhi bastaad sanka ka keentaye maxaad yeeshaa? kii shalay cuntada ila boobayay ayaan u tagay, waxbuu karsanayay oo uumigii ayaa albaabka hoostiisa iga soo dusey laakin wuu iska key dhaga tiray oo kadinkii iga furi waayey...waan iska noqday, suunki intaan dhexda giijistay ayaan iska seexday...waagi markuu baryay ayaan bastadaydii la soo baxay, daboolka markaan sidaa uga qaaday ayaan arkay inay faxday ooy uurayso, markaasan is idhi maan iska cuno shalay intaan ka kibrayo, maxaan ka faa'iday anaan ahayn gaajo iyo dacar qadhaadh
Tell your friend iska bismileyso isma ogtan iskaga iska ogol because as the french say "un tiens vaux mieux que deux tu l'auras"