Wax u muuqda calooshood u shaqaystayaashii ugu horeeyay ee qaaradda Afrika ka socda ayay dawladda Yuqaandha u dirtay wadanka Afgaanistaan.
Ciidamo gaaraya 450 askari oo in muda ah ay saraakiil Maraykani ku tabobarayeen gudaha wadanka Ugandha ayaa markani u ambabaxay wadankaasi Afgaanistaan. Ciidamadan ayaa loo laylyay qaab waardiye nimo, waxaana la sheegayaa inay noqon doonaan kuwo miino baadh u noqda ciidamada Maraykanka ee wadankaasi ku sugan ayagoo waardiye ka noqon doona afaafka talisyada iyo xerooyinka fadhiisimaha ciidamada Maraykanku ku leeyihiin goobaha Ismiidaaminta iyo qaraxyada joogtada ah lagu hayo.
Dawladda Maraykanka ayaa markani xoogga saaraysa sidii ay uga faa’iidaysan lahayd cududda wadamada saboolka ee ku yaala qaaradda Afrika, wuxuuna oloolaha xooggiisu ka socdaa wadamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika.
Tijaabooyinkii ugu horeeyay ee calooshood u shaqaystayaasha Afrikaanka ayaa Maraykanku ku tijaabiyay Soomaaliya iyo Sudan, hadana wuxuu u dalacsiiyay Afgaanistaan, halka Ciraaqna laga dhuursugaya xiliga iyo goorta uu sidan oo kale uga daadin doono.
Amuuraha tabobarka iyo isku dubaridka calooshood u shaqaystayaasha Afrika ayaa waxaa dawladda Maraykaka u qaabilsan shirkad ayaduna calooshood u shaqaystayaal Maraykan ahi leeyihiin balse madaxa ugu sareeya uu yahay qof Yuhuudi ah. Shirkadda waxaa magaceeda la yidhaahdaa Lockheed.
Sida shirkadda Lockheed ayaa waxaa wadamada Ciraaq iyo Afgaanistaan ka hawl gala shirkado ayaguna calooshood u shaqaystayaal ah oo ay madax ka yihiin dad Yuhuud ah taasoo ujeedka iyo hadafka ugu wayni ay tahay sidii loo baabi\\\'ini lahaa shucuubta Muslimka ee caalamka kunoo ayadoo la raacayo falsafad lagu kala horumarinayo xasuuqoodda iyo dabarjar kooda. Shirkadda Blackwatar ayaa waxay ka hawl gashaa wadanka Ciraaq halka wadanka Afgaanistaan ay ka hawl gasho shirkadda BAE.
Shirkadda Blackwater ayaa lagu xusuustaa xasuuqii 2007 ay ku laayeen 17 shacab ah oo ciyaal iyo haween u badnaa.




