
Dhalinyaro Soomaali u badan oo tiradooda lagu qiyaasay 5-wiil ayaa waxa ey xalay isbaaro u taalay bartamaha caasimadda dalka Norway ee Oslo, waxaana lasoo warinayaa in ey siteen bastoolad oo ey dadka ku dhacayeen.
Dhalinyaradan ayaa la sheegay in ey geysteen habeenkii xalay ahaa sadex dhac oo ey ku furteen lacago, kaarar iyo mobilo oo ey ka qaadanayeen dadka markaasi ey isbaarada ugu soo dhaca.
Boliska ayaa sheegay in dhalinyaradan ey qaarkood miirkoodu uu maqnaa islamarkaana ey isticmaaleen daroogooyin maanka dooriya, waxaana ey boolisku intaa ku dareen in mid ka mid ah dhalinyaradaasi isbitalka loola cararay kadin markii uu ka tanbadisay daroogadi uu cunay ama qaatay.
Xaafadda ey isbaaradu u taalay ayaa la sheegay in ey aheyd halka loo yaqaan Grünerløkka, waxaana ey iyag oo bastoolada adeegsanaya ey dadka ey dhacayaan weydiinayeen numberka ama (passwordka) kaarka lacagta lagula boxo ee VISA-karka.
Mid ka mid ah wariyayaasha Calanka ee magaalada Oslo oo xalay saq-dhexe gaaray goobta isbaarada lagu sheegay ayaa indhihuusu qabanayeen boolis baadi-goob ugu jira dhalinyaradan, waxaana uu qadar yar kadib arkay dhalinyaro Somali ah oo ey boosli gacanta ku dhigeen.
Somalida ku dhaqan dalka Norway ayaa arintani waxa ey soo xusuusineysaa isbaaradii ey kaga soo carareen dalkooda Hooyo, mana ahan dhicii ugu horeeyay ee ey dhalinyaro Somaliyeed ka geystaan caasimadda Norway ee Oslo.
Boliska ayaa sheegay shacabka ku wargeliyay in caasimaddu ey amaan tahay islamarkaana ey talaabooyin dheeri ah oo ey kaga hortagayaan falalka noocan ah ey qaadi doonaan.
Xigasho Calanka.com
wallahey this is the dumbest robbery I heard in a long time,having isbaaro in one street and fishing there the whole night
even yalaow and qanyare wouldnt try the shidh in oslo



