Kulan ballaaran ayaa maanta waxaa magaalada Muqdisho ku yeeshay Hay'ada Culimada Soomaaliyeed iyo Ururka Xizbul Islaam, kaas oo looga hadlayay xaalada dalka iyo sidii loo xoojin lahaa nabada dalka.
Gudoomiyaha Hay'ada Culimada Soomaaliyeed sheekh Bashiir Axmed Salaad oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in wadaan dadaalo lagu dhameynayo khilaafka u dhexeeya dhinacyada isku haya dalka gaar ahaan Dowlada iyo mucaaradka
Gudoomiyaha ayaa intaa raaciyay in ay ka xun yihiin in la sii barakiciyo, islamarkaana loo baahan yahay in laga shaqeeyo nabada iyo sidii loo soo celin lahaa dadkii ka barakacay dalka.
Masuuliyiinta Xizbul Islaam ayaa iyana halkaas ka hadlay, iyagoona ku celiyay in ay raacsan yihiin Hay'ada Culimada Soomaaliyeed, islamarkaana halkaas ku weydiiyay Culimada waxa uga suura galay dadaaladii ay wadeen iyo saaritaankii Ciidamada shisheeye eek u sugan dalka.
Si kastaba ha'ahaatee kulankii maanta ayaa ahaa mid ku dhamaaday is afgarad buuxa waxa uuna qeyb ka yahay dadaalada lagu doonayo in lagu soo celiyo nabada dalka Soomaaliya.