Eelay flexing muscles and acting tough
Posted: Mon Apr 13, 2009 1:05 pm
Odayaal ku shiray Baydhabo oo ka soo hor jeestay dhex dhexaadinta ay wadaan qaar ka mid ah odayaasha Muqdisho.
Posted: 4/13/2009 7:58:00 PM
Shabelle: BAYDHABO
Odayaal dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle oo ku shiray Baydhabo ayaa ka soo hor jeestay dhex dhexaadinta ay wadaan qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka magaalada Muqdisho.
Xili magaalada Muqdisho ay ka socdaan dedaalo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo dowlada kmg Soomaaliya iyo Xoogaga ka soo hor jeeda ayaa markii ugu horeeysay dedaalada ay odayaasha Muqdisho ka wadaan waxaa ka hadlay odayaasha dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ee ku dhaqan magaalada Baydhabo.
Shir jaraa’id oo uu maanta gudaha Baydhabo ku qabtay xoghayha guud ee odayaasha dhaqanka Beelaha Digil iyo Mirifle sheikh Isaaq Yaroow ayaa waxaa uu sheegay in dedaalada ay wadaan odayaasha Muqdisho ay yihiin kuwo lagu maja xaabinayo bulshada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dedaaladaasi ay yihiin kuwo ku eg caasimada Soomaaliya ee Muqdisho oo kaliya.
Odayaasha Dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle waxaa ay sheegeen in ay doonayaan nabad iyo Xasilooni ka dhalata gudaha dalka Soomaaliya laakiin ay haboontahay beey yiraahdeen in la maro wadiiqada dib loogu heshiisinayo Beelaha Soomaaliyeed.
Hadalka Odayaasha Dhaqanka beelaha Digil iyo Mirifle ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xili dhawaan afhayeenka xarakada Al shabaab Shiikh Muqtaar Rooboow Cali ( Abuu Mansuur) uu sheegay in dedaaladaasi yihiin kuwo ururkooda uusan waxba ka quseyn