Mortar shells attacked in the centre of parliament, eight people killed
Posted: 4/25/2009 7:56:00 PM
Shabelle: SOMALIA
MOGADISHU (Sh. M. Network) – At least eight civilians one of them government soldier were killed and thirteen others four of them government soldiers have been injured after mortars have been attacked to the centre of the parliament in Mogadishu, witnesses and officials said on Saturday.
An elderly, civilian woman told Shabelle Media that she saw three dead civilians and four wounded in a neighborhood near the centre of the parliament.
General Yusuf Hussein Dhumal, the deputy commander of the Somali police forces told reporters that a police officer was killed and four others were injured in today’s mortar attacks.
No group has claimed the responsibility of the mortar attacks and they are the first attacks fired to the centre of the parliament since the lawmakers relocated to capital Mogadishu.
Shabelle Media Network - Source of Somalia News
______________________________________________________________________________________________________
Ciidamada Amisom Gaar ahaan kuwa Brundi oo maanta lagu weeraray Saldhigooda xerada 77 ee Magaalada Muqdisho,iyo khasaare ka dhashay Dagaalkaas. Waa dagaalkii labaad oo muddo kayar 12 saacadood ka dhaca qaybaha Muqdisho iyadoo maanta galinkii danbena weerar hoobiyaal ah la la eegtay Xarunta KMG ah ee Baarlamaanka Mq.
Amisom.
Ciidamada Amisom gaar ahaan qaybta Brundi ee saldhigeedu yahay Xerada 77 ayaa maanta waxaa weerar ku qaaday kooxo ka soo horjeeda Joogitaankooda ,Iyadoo qaybaha Muqdisho laga Maqlayay dhawaqa rasaasta Culus iyo Tan fudud.
Weeararkaan oo socday saacado kooban ayaa ahaa mid aad u culus ,waxaana jirtay maalmahaan abaabul dagaal oo ay wadeen Kooxaha islaamiyiinta e ku kacsan siyaasada dawlada Midnimada qaran.
Sarkaal sare oo ka tirsan Qaybta gurmadka Dag daga ah ayaa u sheegay Wariyaheena Amoore Cabdi Barre in ay arkeen Dhimashada Lix ruux iyo 18- dhaawac ah ,iyagoo dhaawacana geeyay Isbitaalada magaalada Muqdisho.
Hogaamiya diimeedka Soomalaiya Shiikh Xassan Daahir Aweys oo dhawaan dib ugu soolaabtay Caasimada Muqdisho ayaa ugu baaqay Ciidamada Shisheeye ee ku sugan Gudaha Soomaaliya Gaar ahaan Muqdisho in ay dalka isaga Baxaan ,Hadii kale ay wajihi doonaan Ciqaab adag oo xag rabi iyo shacaba uga timaada.
Inkasta oo ila aiyo hada aan lahaynin cid sheegatay weerarka Brundi lagu qaaday hadana hadalka shiikh Xassan daahir Ayaa la dhihi karaa waxaa uu Baasiin ku shubay Dagaalkii u dhaxeeyay Ciidamada Shisheeye iyo Islaamiyiinta.
Magaalada Muqdisho ayaa maanta ahayd Goob dagaal iyadoo maanta galinkii hore ay ahayd Markii Kooxo hubaysani ay Madaafiic la eegteen Xaruntii hore ee Gaadiidka Booliiska Halkaasi oo ay ku shirayeen Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya.
Weerarka maanta galinkii danbe lagu qaaday Ciidamada Brundi ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay khasaare naf iyo Maalba ah ,waloow ilaa iyo hada aan la ogayn inta uu le egyahay.
Gargaarka.Com : Xassan Cadde
Cadde09@Hotmail.Com




