Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Maxamuud Faarax (Janaqow) ayaa si kulul uga hadlay mowqifka Kooxda Alshabaab ay ka qaadatay Go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isagoona ku eedeeyay Alshabaab in aysan wax mabda' laheyn.
Isagoo la hadlayay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho wax yar kadib markii Afhayeenka Maamulka Islaamiga Kismaayo uu qaadacay go'aankii Baarlamaanka ayuu sheegay in mowqifka Alshabaab uu iska cad yahay, isagoona ku tilmaamay Shabaab kuwa iyagu moodaya inay keligood Islaam yihiin.
"Mowqifka Alshabaab waa iska cad yahay waa dad isu heysta inay keligood Islaam yihiin, dadka kale waa u Gaalo, marka nimankaas wax aan isugu nimaano meesha kumaba jirto"ayuu yiri Sheekh Janaqow oo si adag u difaacay go'aankii Baarlamaanka ee ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
Wasiirka Garsoorka iyo Cadaalada Sheekh C/raxmaan Janaqow ayaa sheegay in Shareecada Islaamka ay tahay naseexo, waxaana uu sheegay in Diinta tahay diin nabad iyo bad baado leh, waxaana uu shacabka ugu baaqay inay diintooda ka difaacdaan waxa uu ugu yeeray kooxo diinlaawayaal ah.
Kooxda Mayalka adag ee Alshabaab oo ah Kooxda ugu tunka weyn Islaamiyiinta Soomaaliya ayaa gacanta ku haaya Gobolo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, iyagoona si cad uga soo horjeestay Go'aankii Baarlamaanka ee ahaa in dalka lagu maamulo shareecada Islaamka, waxaana go'aankaas ku sheegeen mid lagi qiyaameynayo shacabka Soomaaliyed.



