Axmed Isaaq Xassan ayaa loo doortay inuu noqdo gudoomiyaha Guddiga Kenya u qaabilsan Doorashooyinka, isagoo noqonaya ninkii ugu horeeyey ee ka soo jeeda Soomaalida-Kenya ee jagadaasi qabta.
Wareysi uu maanta siiyay VOA ayuu Axmed Isaaq ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay jagadaasi loo magacaabay oo uu sheegay inay tahay guul u soo hoyatay dadka Soomaalida Kenya. Gudoomiye Axmed wuxuu sheegay in guddiga doorashada oo ka kooban 22 xubnood ay shaqadoodu noqon doonto diyaarinta iyo diiwaangalinta dadka Kenya doorashooyinka wadankaasi ka dhici doona 2012.
Axmed Isaaq wuxuu sheegay in dhibaatadii ka dhalatay doorashadii 2007 ka dhacday dalka Kenya oo sababtay dhimasho iyo dhaawac fara badan ay guddigiisu isku dayi doonaan in dhibaatadaasi oo kale aysan dib u dhicin oo ay taasi cashar u noqon doonto.
Axmed Isaaq wuxuu carabta ku dhuftay in dadka Soomaalida ee degan Waqooyi Bari Kenya ay haatan jagooyin muhiim ah ka hayaan dowlada Kenya oo taasi tahay karti iyo dadaal dheeraad ah oo ay muujiyeen, wuxuuna balanqaaday in dowlada Kenya ay cadaadis ku saari doonaan horumarinta gobollada Soomaalidu degto.






