Postby AhlulbaytSoldier » Mon May 04, 2009 11:17 am
Gole cusub oo la magac baxay ANSAARUL ISLAAM ayaa maanta looga dhawaaqay magaaladan Muqdisho. Kulan ay maanta isugu yimaadeen Odayaal, Siyaasiin ,Culumaa’uddiin wax garad iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku dhawaaqeen Gole Cusub oo la magac baxay Golaha Taageerayaash Islaamka.
Kulan ay maanta isugu yimaadeen Odayaal, Siyaasiin ,Culumaa’uddiin wax garad iyo aqoonyahano Soomaaliyeed ayaa waxa ay ku dhawaaqeen Gole Cusub oo la magac baxay Golaha Taageerayaash Islaamka.
Golahan oo Guddoomiye loogu doortay Shiikh Cabdinuur Macalim Maxamed ayaa waxa uu sharaxay Ujeedada loo dhisay golahan oo ah taageeridda ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo sidii dalkan looga dhaqan gelin lahaa.
Guddoomiyaha oo halkaa ka hadlay ayaa sheegey inay jiraan dad aan qayb ka ahayn halgaankii loo galay la dagaalankii Cadowgii Dalka ku soo duulay taasoo libintii dadkaas ay leexsaden ama ay meersadeen.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay inay taagersanyihii ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo nidaamka dib loogu heshiisiinayo kooxaha Muqaawamada oo indhawaalaba uu u dhaxeeyay Muran dhinaca Fikirka ah.
Dr Mulah oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in goluhu uusan ahayn mid siyaasded balse uu yahay mid ka shaqaynaya isku Xirka Xoogagga Muqaawamada iyo Bulshada Soomaaliyeed isagoona intaa raaciyay in ay la safan yihiin ciddii dalkan ku dhaqaysa Shareecada Islaamka.
Kulankaas ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mid ah Odayaashasha Dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed kuwaasoo kulanka ku muujiyay sida ay u taageerayaan Golahan Cusub ee maanta looga dhawaaqay magaaladan Muqdisho.
Odayaasha ayaa ku baaqay in golahan inuu taba geliyo wixii loo aas aasay ee ah taageeridda Islaamka sida ku cad magaca Golahan iyagoon isla markaana ka codsaday golahan inuu isu taago sidii loo heli lahaa nabad iyo degganaansho..
Si kasta golahan ayaa noqonayaa kii u horeeyay ee dalka laga aas aaso iyadoo horeyna ay u jireen dhinacyo kale ama Ururo kale oo diini ah oo dhamaantooda ku hawlan sidii ay qayb muuqata ugu yeelan lahaayeen Masraxa siyaasadeed ee Soomaaliya oo xilliyadii u danbeeyay si aad ah la isugu haystay.
Gargaarka Xaf. Muqdisho
Aadan Macalim Aaddaamo
Now iam wondering:which party represents true islam and which uses it? Islamic courts,Alxaaram, xisbul islam,ahlesunnah wal jama,ansaarul islam, baytul islam and god knows what else?