Isniin, May 04, 2009(HOL): Xoogag ka amar qaata Maamulka Islaamiga ah ee Al-Shabaab ee gacanta ku haya Magaalad Baydhabo ee Xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay xalay gacanta ku dhigeen dad sameynayay Qamriga nooca calaqa iyo waxyaabo kale oo maanka dooriya.
Xoogagga Al-Shabaab ayaa guri ku yaalla Xaafadda Horseed ee Magaalada Baydhabo waxay ka soo qabteen seddex ruux oo mid ka mid ah ay haween ahayd, kuwaasi oo xiliga la soo qabanayay gacanta kula jiray sameynta Qamri iyo waxyaabo kale oo maan-dooriye ah.
Taliyaha Ciidamada Al-Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool Shiikh Xasan Deerow ayaa sheegay in dadka la soo qabtay ay xabsiga dhigeen, isla markaana ay sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga ku horkeeni doonaan, isagoo caddeeyay in lagu qaadi doono wixii ay shareecada Islaamka horteeda ka helaan.
Shiikh Xasan Deerow waxaa uu sheegay in Xoogagga maamulkooda ay sii wadi doonaan howlgallada ay kula dagaallamayaan waxyaabaha maanka dooriya, wuxuuna shacbaka ku dhaqan magaalada Baydhabo uu ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Xoogagga howlgallada ku jira, isla markaana ay soo sheegaan meelaha ay uga shakiyaan in lagu sameynayo ama lagu isticmaalayo waxyaabo maanka dooriya.
Dhawaan ayay ahayd markii maamulka Islaamiga ah ee ka taliya magaalada Baydhabo uu mamnuucay in gudaha magaaladaas lagu iibiyo, laguna cuno Qaadka, iyadoo Qaadka loo asteeyay in lagu iibiyo meel ka baxsan magaalada oo ay dadka Qaadka iibiya iyo kuwa cunaba xoogaa u soconayaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
But it is just propaganda,and they have surely left islam by rejecting this islamic government which rules with shariahlaw, and killing innocent muslims





