Ciidamo Itoobiyaan ah oo dhaq dhaqaaq ka wada qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan.
Isniin, May 11, 2009(HOL): Ma ahan wax ku cusub in Ciidamada Dowladda Itoobiya gudaha u soo galaan qeybo ka mid ah Goballka Hiiraan laakiin wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiyaanku maalmihii ugu danbeeyay deegaannada qaar ay ka sameysanayaan Xarumo u muuqda kuwo rasmi ah.
Deegaanka Deefow oo ka tirsan Goballka Hiiraan belse xiga dhinaca xadka Goballku la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa warar laga helayo sheegayaan in ay soo gaareen Ciidamado Itoobiyaan ah oo ku hubeysan gaadiidka dagaalka kuwaas oo qal qal ku abuuray dadka deegaanka.
Ciidamadan ayaa markii ay gaareen deegaanka Deefow waxaa ay wararku sheegayaan in markiiba bilaabeen in ay halkaa ka sameystaan Xeryo Macmal ah oo ka sameysan (Teendhooyin), waxaana warku intaas ku darayaan in halkaas ay ka qabqabteen Ciidamadu dhaliyaro la sheegay in ay ka shakiyeen.
Dhaqdhaqaaqa Ciidamada Itoobiya ayaa siyaabo kala duwan loo fasirayaa, waxaana wararka ugu badan ay sheegayaan in Ciidamadu ku raad joogaan waxa ka jira warar soo baxay oo sheegaya in dhinaca Xadka Goballku uu la wadaago dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ay ka gudbeen Ciidamo ka tirsan Jabhada ONLF ee ka dagaalanta gudaha Itoobiya.
Saraakiisha Maamulka Islaamiga ah ee Goballka Hiiraan ayaa uga digay Ciidamada Itoobiya joogitaankoodu Goballka Hiiraan, iyagoo uga digay caawaaqib xumo ka dhalan kara dhaq dhaqaaqa ay wadaan.
Dhowr jeer oo hore ayay Ciidamada Itoobiyaanku gaareen deegaanka Kala-beyr tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay isaga baxeen guud ahaan Dalka Soomaaliya, hase ahaateen mar walba waxaa ay ahaayeen kuwo maalmo kadib dib ugu laabta dhinaca Xadka.
C/ramaan Diini, Hiiraan Onlin
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Soomaaliya




