Murtad Aweys calls the president to step down
Posted: Thu May 14, 2009 6:43 am
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ugu baaqay Madaxweyne shariif inuu xafiiska madaxweynimada ka tago.
Sida ay qortay shabakada middle east online hogaamiyaha mucaaradaka dowlada Soomaaliya Sheekh Xasan Daahir aweys ayaaa ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya inuu xilka isaga tago hadii rabo in dagaaladu ay istaagaan.
" Waxaan ugu baaqayaa Sheekh Shariif sheekh axmed inuu ka taanaasulo jagada uu sheegto ee ah Madaxweynaha Soomaliya si uu u bad baadiyo dhiiga umada Soomaliyeed" sidaasi waxaa yiri sheekh Aweys oo ku sugan koonfurta Soomaliya.
Tiro aad u badan ayaa ku dhimatay dagaalada haatan ka socda muqdisho iyadoo iyadoo boqolaal dadweyne ahna ay ku dhaawacmeen dagaalada haatan ka socda maalintii 8aad magaalada caasimada ah ee xamar.
Dowlada taageerada caalamka heysata ee soomaliya ayaa haatan waxa ay xukuntaa qeybo ka mid ah wadooyinka muqdisho iyo dhismayaal kooban iyadoo kooxaha ka soo horjeeda ay isku dayaayaan inay afganbiyaan.
" Soomaliya hada malahn wax dowlada Soomali ah xitaa kuwa ajnabiga ah ee faro gelinta inagu haya ayaa sheegta inay yihiin hogaamiyayaal soomali ah" ayuu yiri aweys isagoo eedeynayay qaramada midoobay.
wuxuu kaloo sheegay in cidna aysan aqbaleynin in lagu qasbo hogaan aysan shacabku rabin isagoo sheegay inay soconayaan kaliya hogaan ay shacabka Soomaliyeed raali ka yihiin.
Hadalka ka soo yeeray Sheekh Aweys ayaa dad badan waxa ay u fasiran karaan in sheekha uu doonayo jagada Madaxweynaha Soomaliya ka dib markii uu si cad haatan ugu baaqay madaxweyne shariif inuu xilka isaga dego.
Labada nin ee Aweys iyo Shariif ayaa ahaa hogaamiyayaal kawada tirasanaa maxkamadihii Islaamka lakiin siyaasada Soomaliya oo marba dhinac u janjeerta ayaa kala geysay labadii nin ee istaageersanaan jiray.
Saed Mohamed
saedmohamed1@hotmail.com
Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.com
Jowharcom@gmail.com