Waxaa saakay kulan xasaasi ah oo 3-geesood uu uga soconayaa Gudaha Degmada Afgooye ee Gobolka Sh/hoose Mas’uuliyiin ka kala socota Kooxaha Mucaaradka Soomaaliya.
Kulanka ayaa waxaa ay kala yihiin Mas’uuliyiinta leh Xasan Daahir Aweys, Xasan C/llaahi Xasan Turki iyo Mukhtaar Roobow Cali (Abuu-Mansuur).
Xasan Turki oo shalay Muqdisho soo gaaray ayaa xalay saacaddu markii ay aheyd sideed saac habeenimo waxa uu aaday isaga iyo dhowr gaari oo kuwa dagaalka ah Degmada Afgooye halka kuwa kalena uu uga tegay Xarunta Qanyare oo isaga iyo Ciidamadiisa lagu dhaafay laguna marti geliyay.
Kulanka 3-geesoodka ayaanan la ogeyn waxa ay kaga hadlayaan lakin wararka qaar ayaa sheegaya in ay doonayaan sidii ay ugu heshiin lahaayeen maamul ay u sameeyaan Gobolka Banaadir oo iminka goobo fara badan ay ka heystaan inkastoo warkaasi aanan weli laga helin mas’uuliyiinta shireysa.
Kulanka ayaa waxa uu yahay mid albaabada u xiran lamana garanayo sababta 3-daasi Mas’uul ay hal mar isugu yimaadeen Afgooye iyo Qorshaha weyn oo ay ka tashanayaan.
















