
Khudbadaynayey Madaafiic Lagu Weeraray
--------------------------------------------------------------------------------
(Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed )
hadhwanaag 2009-05-17 (Hadhwanaagnews) Muqdisho(HWN):Laba qof ayaa geeriyootay, tiro ka badan 10-qofna dhaawac ayaa soo gaadhay kadib markii madaafiic lagu weeraray Xarunta Iskool Boolisiyo ee magaalada Muqdisho xilli ay ku sugnaayeen Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska.
Madaxweynaha dowladda KMG Sheekh Shariif ayaa la sheegay in xarunta Iskuul Boliisiyo uu u tagay kulan uu la lahaa saraakiil sarsare oo ciidamada Booliska ka tirsan, kuwaasoo tababaro ku soo kala qaatay dalalka Itoobiya iyo Yugandha, waxaana lagu waday in madaxweynuhu uu saraakiishaasi darajooyin ku siiyo halkaas, balse sida warku sheegayo munaasabaddaas ayaa lagu kala dareeray kadib markii ay bilaabatay duqeynta lala soo bartilmaameedsanayay.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegayaa inay ahaayeen dad rayid ah oo xarunta agagaaraheeda ku sugnaa, mana la sheegin qasaaraha rasmi ahaan gaaray dhinaca dowladda KMG.
Mar qura ayaa lagu kala cararay xaruntaas iyo agagaarkeeda, waxaana la sheegayaa in dadka wax ku noqday weerarkaasi loola cararay Cusbitaal, kuwaasoo qaarkood laga deyrinayo xaaladdooda caafimaad.
Weli wax war ah oo ku saabsan weerarkaasi kama aysan soo bixin madaxda dowladda KMG Soomaaliya, mana jirto cid si gaar ah u sheegatay weerarkaas gaar ahaan kooxaha Muqaawamada ee dowladda ka horjeeda ee Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.
C/raxmaan Dalmar
Hadhwanaagnews /Office
Soomaaliya Muqdisho
ag.com/attachedimages/u_2d_2009-5-17-9-9-39f_672.jpg[/img]




