Dagaal ka socda Magaalada Muqdisho iyo Ciidamada Dowladda oo la wareegay qeybo ka mid ah Waddada Wadnaha
Jimco, May 22, 2009(HOL): Qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid ayaa waxaa ka socda dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeda.
Dagaalka ayaa wuxuu ka socdaa Isgoyska Florenza iyo nawaaxiga Saldhigga Wardhiigley, halka ay xoogagga labada dhinacna isku horfadhiyaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Siinaay iyo Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa wuxuu qaxay kadib markii ay Ciidamada Dowladda xalay la wareegeen qeybo ka mid ah Waddada Wadnaha, gaar ahaan Isgoysyada ku dhow Suuqa Bakaaraha, sida Isgoysyada Bakaaraha, Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde.
Xaaladda Magaalada Muqdisho ayaa saaka caksan, waxaana barakac laga dareemayaa xaafado horay u deganaa oo ka tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, iyadoo degmooyinkaas ay dhawaanahan ahaayeen kuwo xasiloon.
Wixii ku soo kordha xaaladda Muqdisho halkan kala soco haddii Alle idmo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online



