Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 50+ Dead

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 50+ Dead

Postby Somalian_Boqor » Fri May 22, 2009 12:06 pm

Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 30-50 Dead :shock:

I don't know what Happen we were winning the war a few hours ago. :shock:


Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Dr. Cumar Iimaan Abuubakar ayaa guulo ka sheegtay dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho, isagoona sheegay inay dib ula wareegeen goobihii ay qabsadeen saaka.

Dr. Cumar Iimaan ayaa ku eedeeyay Dowladda inay dagaalka ku soo qaaday Muqaawmada iyo Mujaahidiinta, isagoona tilmaamay inay ka bar bar dagaalamayaan Ciidamada AMISOM sida uu hadalka u dhigay.

"Dowlad ku sheega weerarka ay soo qaadeen waa mid ay maalmahan abaabulayeen, waxaa jirtay inuu Hub uga yimaaday Uganda iyo Ethiopia"ayuu yiri Dr. Cumar Iimaan Abuubarak oo intaa ku daray in dagaalka uu haatan marayo agagaarka Madaxtooyada.

Waxaa uu sheegay in Ciidamadii Dowladda oo uu ku tilmaamay kuwii dulmiga waday ay haatan isku uruursanayaan Madaxtooyada, waxaana uu cadeeyay in halkaas uu dagaal ka socda, laguna jebiyay sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa marba waji sii yeelanaya, iyadoona dhinac dagaalamaya ay guulo kala sheegayaan, waxaana ciidamada ay yihiin kuwo meel isku riixaya oo ay wali dagaalada u caaboon yihiin.


Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.co m
Jowharcom@gmail.com

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 50+ Dead

Postby Somalian_Boqor » Fri May 22, 2009 12:07 pm

Wararkii ugu dambeeyay dagaalada ka socda Muqdisho (Dagaalka oo iska daba wareeg noqday)

Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho ayaa daqiiqadba daqiiqada ka dambeysa sii yeelanaya wajiyo cusub, iyadoona kolba meel u guur guuraya, waxaana haatan dagaalada ay yihiin kuwo saf ballaaran ku socda, dhowr jihana ay ka dhacayaan rasaas xoog badan.

Dagaalada oo waabarigii saaka ay ka bilowdeen Xaafadaha Hodan, H/wadaag iyo Wardhiigley ayaa ku fiday gobo dhowr ah, iyadoona dagaalka uu yahay mid marba marka ka dambeysa ay qolo ku gacan sareyso oo dhinacii meel ku fida laga soo durjinayo.

Ciidamada Dowladda oo saaka ilaa barqanimadii maanta dagaalka horumar ka sameeyay, kadib markii ay qabsadeen gobo dhowr ah, ayaa iminka u muuqda kuwo dib loo soo caabiyay, oo laga soo saaray meelihii ay qabsadeen.

Dadka Muqdisho oo la yaaban sida daqiiqad kasta wax isu badalayaan, isla markaana dagaalka uu marba aag u bedalanayo ayaa aad ugu jahwareersay sida ay wax u socdaan, waxaana dadka ay aad ugu mashquulkeen xaaladaha bed bedelka badan ee dagaalka.

Ciidamada Dowladda oo saaka weerar ballaaran qaaday ayaa si kedis ah waxay kula wareegeen inta badan Wadada Wadnaha oo mudooyinkii u dambeeyay aheyd goob gacan ku heynteeda ay ku loolamayaan Mucaaradka iyo Dowladda, waxaana ay qabsadeen Isgoyska H/wadaag, Aadan Cadde iyo Isgoyska Bakaaraha, inkastoo markii dambe laga soo saaray.

Dagaalada ayaa hada ah mid goos goos ah, waxaana ay ka socdaan xaafado ka tirsan Degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley, waxaana dagaalka la soo sheegayaa inay geysteen qasaaro lixaad leh oo ah dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhowaad 100 ruux oo ku dhaawacmay dagaalada ayaa la geeyay saddex ka mid ah Cusbitaalada ku yaal Magaalada Muqdisho, kuwaasoo 58 ka mid ah la dhigay Cusbitaalka Madiina, sidoo kale dhimashada ayaa gaareysa ilaa 30 ruux sida ay xaqiijinayaan ilaha caafimaadka.

Dadka dhintay oo u badan dhinacyadii dagaallamay ayaa waxaa ku jira dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic iyo rasaas habow ah, waxaana dadkaasi ka mid ahaa Wariye C/risaaq Gaadaco oo Idaacadda Shabeelle ka tirsanaa.

Dhimashada ugu badneyd ayaa ka dhacday agagaarka Isgoyska Baar Ubax, halkaasoo gaari rakaab ahaa uu ku habsaday Madfac habow ah, waxaana ku dhintay in ku dhow dad gaaraya 10 ruux oo ahaa rakaabkii gaariga.

Xaaladda Magaalada Muqdisho ma xasiloona, welina waxaa qeybo ka mid ah degmooyinkii saaka dagaallada ka bilowdeen ee Hodan, Howl-Wadaag, Wardhiigley iyo Yaaqshiid laga maqlayaa rasaas ay isku ridayaan dhinacyada dagaalladamaya.

Xafiiska Jowhar.com Muqdisho
jowharnews@gmail.com

Hooyga wararka Somaliyed
www.Jowhar.com
Jowharcom@hotmail.co m
Jowharcom@gmail.com

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 50+ Dead

Postby Somalian_Boqor » Fri May 22, 2009 12:08 pm

Muqdisho:Dagaaladi Muqdisho oo la isku habeensaday iyo madaafic la laga seexan la'yahay (warbixin dheer oo ku saabsan dagaaladi maanta iyo caawa )
22. maj 2009

Muqdsiho(AllPuntland )- Dagaaladii soo bilawday saaka ee u dhaxeeyey cidamada dawlada iyo kooxaha mucaaradka ayaa caawa la isku habeensaday, waxaana lagu kala habeensaday meelihii xabadu saaka ay ka bilowmatay.

Dagaalki maanta oo ahaa mid aad u culus marka la fiiriyo hubka la isku adeegsanayey ayaa galaaftay nolosha dad lagu qiyaasay 50- iyo dhaawaca dad ku dhaw 100-qof oo isugu jira rayid iyo dhinacyadi dagaalamayey.

Dad ku dhaw 15-qof ayaa hal goob ku geeriyooda maanta markii gaari ay la socdeen oo ahaa Basaska yar yar uu ku habsaday madfac dusha sare kaga soo dhacay , waxaana la sheegay in gaarigaas uu ka badbaaday kaliya ha wiil oo 13-jir ah.

Isgoyska Hawlwadaag waxaa ku dhimaaty ku dhawaad 17-qof oo u ay ku jiraan dhimacyadi dagaalamayey , waxaana sidoo kale gudaha suuqa bakaaraha la sheegay in dad ku dhaw 9-qof ay wiifto ku dishay ama rasaasta habawga ah.

Ciidamada dawlada ayaa saaka weerarki ay soo qaadeen waxa ay isu qeybiyeen dhawr aag .

Ciidamo dacad u ah Taliyaha police-ka C/qeybiid ayaa ka soo galay dhanka Tarabuunka oo soo gaaray ilaa Taleex , halka ciidamo wasiirka arimaha gudaha hoostagana ay ka soo galeen dhanka warshada Caanaha iyo wadada wadnaha , waxaana labada ciidan ay ku kulmeen wadada wadnaha marki si saf ah ay dagaalka ku soo wadeen laakin dagaal rogaal celis ah oo ay so qaadeen xoogaga mucaaradka ayaa ciidamadi dawlada dib loo celiyey .

Dhinaca W/Muqdisho waxaa dagaalka kaga jiray ciidamo gaar u ahaa gudoomiyaha G/Banadir dhagaxtur iyo xildhibaano ay ka mid ahaayen Muuse Suudi , Salaad Jeele , iyo Xuseen Caraale waxaana ay tageen Hotel Tawfiiq laakin galabta ayaa loo soo celiyey oo la keenay isgoyska darjiinka.

Cisbitaalada Madiina iyo keysaney ayaa la dhigay dad ku dhaw 90-qof sida ay APL u sheegeen hawlwadeenada labadaa cisbitaal , wxaana ka badan kuwa aan cisbitaalo helin ee guryahooda jiifa .

Dawlada Somaliya ee dagaalki saaka soo qaaday ayaan soo kordhin wax aan ahayn khasaare askarteeda iyo shacabka soo gaaray , waxaana aad loola yaabay markii maanta daqiiqao looga soo qabsaday dhul baaxad leh oo ay saaka ku kalaheen ciidamda dawlada dhawr aag.

dagaalka ayaa sida ay sheegayaan labada dhinac ee is haya ma aha mid dhamaad ku dhaw , waxaana dadka ku xeeldhaer siyaasada Somaliya ay sheegayan in dagaalkaa uu adagyahay sida loo kala adkaado marka arimo badan laga eego sida wax u socdaan.

Dawlada ayaa gashay heeganki ugu sareeyey waxeyna tijaabisay saaka awoodeedi dagaal ha yeeshee ma noqon mid lagu najaxay , waxaana la filanaa waqtiyada soo aadan in ciidamada dawlada ay galaan weeraro kale oo mucaaradka ka dhan ah.

mucaaradka oo ah laba xisbi oo isu tagtay waxa ay heystaan maleeshiyooyin badan , waxaana ay ka yimaadeen gobolada Soomaliya badankood qaab gurmad ahaan ah .

Waxaa dadka Muqdsiho ku haray ay dhawrayaan sida xaal ahado dagaalada soo socda ee la filanayo iyo cida Muqdisho u harta.

Xafiiska wararka Muqdisho AllPuntland

User avatar
Somalian_Boqor
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 10847
Joined: Thu Feb 15, 2007 2:56 am
Location: Fuck Faroole & His Supporters

Re: Fighting Closer to Villa Somalia + 100 Injured, 50+ Dead

Postby Somalian_Boqor » Fri May 22, 2009 12:09 pm

Dagaalka oo la isku gabal dhacsaday iyo dhaawacyo gaaraya 100 ruux oo la dhigay Cusbitaalka Madiina.

Dagaalada maanta ka bilowday Magaalada Muqdisho ayaa galay marxalad aad u adag, iyadoona dagaalka uu waqtiga ugu dumay Degmada Hodan, halkaasoo dagaal xoog badan uu ka soconaya galabta ilaa caawa.

Warar laga helay ilo madax banaan ayaa sheegaya in dagaal la isu adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan uu maqribkii caawa soo gaaray agagaarka Baar Jabuuti ee degmada Hodan, halkaasoo labada dhinac uu dagaal ku dhex marayo.

Xaalada Degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid oo qeyb ka ahaa dagaalada ayaa xaaladeeda caawa ah mid degan, inkastoo ay is hor fadhiyaan dhinacyadii ku dagaalamay.

Labada dhinac oo dagaalkooda yahay mid is heysta ayaa ku kala dagaalamayay maanta xaafadaha Degmooyinka H/wadaag iyo Wardhiigley iyo Hodan, waxaana dagaalka xoogiisa uu galabta u weecday dhanka Degmada Hodan.

Isgoyska Bakaaraha ayaa hada la soo sheegayaa inay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowladda, iyadoona Isgoysyada H/wadaag iyo Aadan cadde ay joogaan Xoogaga Mucaaradka, waxaana Wadada Wadnaha ay labada dhinac yihiin kuwo qeyb qeyb kala heysta, loolan xoogan uu ka jiro gacan ku heynteeda.

Cusbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa maanta la gaarsiiyay dhaawacyadii ugu badnaa, waxaana Cusbitaalka Madiina oo maanta ahaa mid aad u mashquul badan, marka loo eego dhaawacyada la geynayo ayaa waxaa la gaarsiiyay 107.

Agaasimaha Cusbitaalka Madiina Cali Cadde ayaa u sheegay Wariyaha Jowhar.com in 53 ka mid ah dhaawacyada ay yihiin kuwo dhaawacooda uu culus yahay, halka 5-ruuxna ay ugu geeriyoodeen dhaawacooda.

Labada dhinac ayaa dagaalka guulo ka kala sheeganaya, mana muuqata ilaa iyo hada guulo muuqda oo labada dhinac ka soo muuqanaya, marka laga reebo in qoloba mar la dib loo riixayo, iyadoona dagaalka uu noqday mid iska daba wareeg ah.

Dhimashada dadka rayidka oo aan xisaab laheyn ayaa caga cageynsa in ka badan 30-ruux oo ah dad ay Madaafiicdu leysay, rasaasta wiiftana ay dishay, dadkaasoo ahaa kuwo aan waxba galabsan oo aan dagaalka ku laheyn.

Wixii warar ee ku soo kordha kala soco wararkeena dambe Jowhar.com isha koowaad ee wararka xaqiiqda ah


OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot] and 76 guests