Ahlusuna
Cutubyo ka tirsan ciidamada ahlu-sunna wal-jamaacah ee ku sugan gobollada dhexe ayaa waxaa u xirmay tababarro qaatay muddo 2 bil iyo bar ah , kaas oo ka soconayey magalada dhuusamareeb ee xarunta maamulkaasi .
Ciidamada oo tiradooda lagu sheegey 326 askari ayaa waxaa ay mudadii ay tababarku usocday qaateen qeybaha kala duwan ee ciidanka , ayadoo halkaasina ay ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo katirsanaa ciidankii qalabka sidey ee soomaaliya .
Mid kamid ah saraakiishii halkaasi ka hadashay oo lagu magacaabo Col : Xasan maxammed (Ceebkasaliin) ayaa waxa uu yiri " Anigu dhowr iyo kontan jirbaan ahay , xilliganna waxaan u baahnaa nasasho balse waxaan maalkeyga , cilmiga aan ciidanka u leeyahay iyo waliba dhiigayga u hurayaa difaaca diinta , dalka iyo dadkaba , waxaan ku jirnaa xaalad aad u daran , waxaa laidinka doonayaa in ducada aad noo badisaan , iyo alla bariga.."
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Culumaaudiinka waaweyn ee soomaaliya , waxayna ku dheeraadeen ducooyin farabadan , ayadoo macallim cali yare uu ku khatimay quraanka iyo saliga nabigenna SCW.
Sikastaba ha ahaatee , tababarkan u xirmay cidanka ahlu-sunna ayaa ku soo beegmaya xilli guluf colaadeed ay ka jirto deegaanka wabxo , oo ay dhawaan foodda isku dareen Ciidanka ahlu-sunna iyo kuwa shabaab , xisbul islaam oo wada jir ah , waxana hatan wabxo maamulaya ahlu-sunna wal-jamaacah , lama oga halka ay ciidanka tababarka u xirmay u ruqaansan doonaan ama ay abaaridoonnaan .
W/Q: Wariye Axmed (khadar)
Email : axmedmbc@hotmail.com ama axmedmbc@yahoo.com
The people against xarakatul ahlesunnah wal jamah al mujahideen are those who hates ´´ love for prophet Muhammad sallahu aleyhi waa alihi wasalam´´ and supports talibanization of somalia




