(31-05-2009)
Warar lagu kalsoonan karo oo ay heshay Shabakada wararka dalknews.com ayaa sheegaya in uu ku soo xirtay Dekeda Muqdisho markab sida taangiyo ay soo iibsatay dawladda Soomaliya, waxaana markabkaas ilaalo ka haya baa la leeyahay laba Markab oo kale oo aan la garaneyn cidda isla leh.
Taangiyadaan oo tiro ahaan aan la garaneyn cadadkooda, ayaan wali lagu bilaabin dejin, waxaase la xaqiijiyey in uu Markabku taagan yahay masaafo dhaw oo ah agagaarka Dekeda Muqdisho, iyadoo ay hareeraha ka joogaan laba Markab oo dagaal.
Dhinaca kale warar is-khilaafsan ayaa ka soo baxaya dawladda hubka laga soo iibiyey iyo markabka wada intaba, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in hubkaan oo aad u badan laga keenay wadanka Turkiga, halka warar kalena sheegayaan in dowladda Malesia loo sii maray soo iibsashada hubkaan.
Hubkan ay dawladda la imaaneyso ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan dowladda Soomaaliya si ku meel gaar ah looga qaaday xayiraaddii hubka ee muddada saarneyd wadanka Soomaaliya.
Hubkaan Markabka Saaran ayaa la sheegay iney ku jiraan madaafiicda goobta, gawaarida qafilan ee dheereeya oo loo yaqaano BeBe-yada, iyo rasaas fara badan.
Waxaa muuqata in kooxaha Soomaalida qolaba gaar loo hubeynayo, leyskuna sii dirayo si ay cadaawaddoodu u sii fogaato, kadibna ay isu laayaan.
Dalkanews.com Muqdisho





