RAG KA TIRSANAA AL-SHABAAB OO SOMALILAND ISU SOO DHIIBAY
Sunday, 31 May 2009
Hargeysa(Geeska)-Dhallinyaro u dhalatay wadanka Somaliland, oo hore uga tirsanaa ciidamada kooxda Al-Shabaab, ayaa la sheegay inay toddobaadkan isu soo dhiibeen dawladda Somaliland.
Dhallinyaradan oo tiradooda lagu sheegay labaataneeyo, waxa la sheegay inay ka faa’iidaysteen cafis uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland sheegay in loo fidinayo muwaadiniinta Somaliland ee ka barbar dagaalama Al-Shabaab. Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay jiraan muwaadiniin reer Somaliland ah oo tiradooda lagu qiyaasay labaataneeyo, kuwaas oo cafis soo weydiistay dawladda Somaliland, ka dibna laga aqbalay. Warku waxa uu sheegay in qaar ka mid ah raggaasi hadda soo gaadheen magaalooyin ka tirsan Somaliland. Mid ka mid ah raggaas ayaa la sheegay inuu hadda ku suganyahay degmada Cadaadlay oo ka tirsan gobalka Hargeysa. Qaar ka mid ah dadweynaha Cadaadlay ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in ninkaasi ciidamada ammaanka u sheegay inay iyagoo gaadhaya labaataneeyo nin ay ka faa’iidaysteen cafiska uu Madaxweyne Rayaale dhawaan u fidiyay muwaadiniinta reer Somaliland ee ka barbar dagaalama ciidamada Al-Shabaab. Wuxuu sheegay inay ka yimaadeen koonfurta fog ee Somaliya, iyagoo si dhuumasho ah ku soo baxay. Ragga kale ayaa la sheegay inay kala tageen magaalooyinkii ay u kala dhasheen, ka dib markii xukuumadu aqbashay cafiska ay dalbadeen.
Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa dhawaan caddeeyay inay dawladu cafis u fidinayso muwaadiniinta Somaliland ee la safan Al-Shabaab, haddii ay dalka dib ugu soo noqdaan, waxaanu yidhi, “Waxa jira dhalinyar badan oo inaga ah oo Xamar la geeyay oo la duufsaday oo tahriibka wax ka xun kuwa la barayo oo is-qarxin la barayo, kuwaana halkan fariin baan uga gudbinayaa, waxaan leeyahay waan idin cafinaynaa ee ku soo noqda dalkiina, meeshaad joogtaan waad arkaysaan waxa yaala dalkiina ku soo noqda noloshiina dib u bilaaba , walidiintana waxaan leeyahay caruurtiina soo celiya, qofku inuu is-dilo if iyo aakhiro toona waxa uu helayaa ma jirto, waxa kale oo aan leeyahay dhalinyarada ka waantooba, waana kuwa hadhaw cadawga ku noqon-doona dalkeena intaasaan halkan uga gudbinayaa run ahaantii.”
Raggan isu soo dhiibay dawladda Somaliland ayaa la sheegay inay ka soo kala jeedaan gobalo ka tirsan Somaliland, sida Hargeysa, Awdal iyo Togdheer.
Wargeyska Geeska Afrika www.geeska.net







