Page 1 of 1

The Godfather of the Wadaadist Movement is Pleaing

Posted: Wed Jun 10, 2009 9:03 am
by AbdiWahab252
The dream of a wadaadist government running the nation was funded, supported and planned by Cabdiqassim Salat Hassan and today his creation is haunting him:

Image

Arbaco, June 10, 2009(HOL): Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan ayaa ka digay in ciidamo shisheeye ah oo ku sugan berriga iyo badda Soomaaliya fursad loo siiyo in ay soo galaan Dalka Soomaaliya kaddibna ay qabsadaan.

C/qaasim Salaad Xasan oo u warramayay Idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in dagaallada ka socda Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho ay yihiin kuwo macno darro ku socda, wuxuuna farta ku fiiqay in dhinacyada dagaallamaya uu mid kastaba sheeganayo muslinnimo.

“Sida ku cad Axaadiith-ta Nabigeenna NNKH haddii ay dagaallamaan labo muslimiin ah oo ay seefo isu qaataan marka ay is-dilaan labadaba waxay noqonayaan Ahlu Naar (Al-qaatilu Wal-Maqtuulo Humaa finnaar)”ayuu yiri C/qaasim Salaad Xasan oo dhinacyada dagaallamaya ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana ay u turaan dadka rayidka ah ee ay dushooda ku dagaallamayaan.

C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in uu caqliga shaqeeyo oo ay dhinacyada dagaallamaya fahmaan in aan dagaal xal lagu keeneynin, “Dadka Soomaaliyeed muddo 19 sano ah oo sanadkiiba uu labo sano u dhigmo ayay dagaallo ku soo jireen, mana u noqoto dhibaato kale iyo in dushooda lagu sii dagaallamo, sidaas darteed waxaan kula talinayaa dhinacyada dagaalka iskala soo horjeeda in ay wada hadal ogolaadaan” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan.

Ugu dambeyntiina, Madaxweynaha Dowladdii TNG-da C/qaasim Salaad Xasan waxaa uu sheegay in uu mar kasta xiriirro la sameeyo mas’uuliyiinta dhinacyada dagaallamaya, wuxuuna rajo ka muujiyay in ay dadaallo xal-doon ah oo dalka gudahiisa iyo dibaddiisa laga wado ay natiijo wanaagsan ka soo bixi doonto.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya

Re: The Godfather of the Wadaadist Movement is Pleaing

Posted: Wed Jun 10, 2009 9:16 am
by AbdiWahab252
Former Somalia President Warns Against Handing Somalia to Foreign

Hiiraan Online
Wednesday, June 10, 2009

MOGADISHU (HOL) - Former Somalia President Mr. Abdikasim Salad Hasan has warned against giving an excuse to foreign troops to invade and take over Somalia.

Speaking to Simba radio in Mogadishu, the former President said that the continuing bloodshed in Somalia, particularly in Mogadishu, is meaningless and highlighted the fact that each side in the conflict is claiming to be
Muslims fighting for a right cause.

“According to the saying of Prophet Muhammed (PBUH), if two Muslims fight, both the killer and the killed will go to hell” said the former President who called on the two warring sides to stop the fighting and be kind to the
civilians being caught in the crossfire.

The former President said that people should use reason and understand that the fighting would not resolve any of their differences. “Somalis have suffered under a brutal civil war in the last 19 years and can no longer tolerate more fighting, therefore I advise the warring sides to resolve their differences through negotiations and peaceful means” said the former President.

The former President concluded his remarks by saying that he continuously stays in touch with the leaders of the two sides who are fighting and expressed hope that efforts to end the conflict through peaceful means being conducted both inside and outside the country would bear fruit.

Re: The Godfather of the Wadaadist Movement is Pleaing

Posted: Wed Jun 10, 2009 9:53 am
by Somaliman50
C/qaasim Salaad 8-) :up: