mj. marwo maryan mursal oo dhagax dhigtay dugsigii ay ka dhisayso hargeysa.
------------------------------------------------------------------------------
Fanaanadda caanka ah ee Mj. Marwo Maryan Mursal Ciise Xaaji Bootaan ayaa saaka arooryadii hore dhigtay dhagaxii dhisme dugsi ay hore u shaacisay inay ka dhisayso Xaafadda Daami/Hargeysa/JSL.
Munaasibad ballaadhan oo ay Fanaanadda iyo Dadweyne kale ka soo qayb galeen oo lagu dhagax dhigayayy Dhismaha Dugsigan ayaa lagu qabtay Goobta loogu talo galay oo isla markaaba laga bilaabay binaha dugsigan.
waxaana ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska,Wasiir ku xigeenka Caafimaadka,Maayar ku xigeenka caasimadda Hargeysa, qurba -joog ay horkacaysay Maryan Mursal oo ay ka mid ahaayeen fanaaniin waaweyn sida Cabdi Nuur Allaale iyo dadweynaha xaafada Daami
Xafladan loo sameeyay dugsiga cusub ee ay maryan Mursal ka dhisayso xaafada Daami ee magaaladda Hargeysa oo loogu magac daray Abwaanka weyn ee Max'd Ibraahim Warsame Hadraawi waxa ka hadashay Maryan Mursal oo sheegtay ujeedada ay u dhisaysaa inay tahay sidii ay u Gacan qaban lahayd dadka maatada ah ee aan haysan waxbarashada sidii ay u taakulayn lahayd isla markaana mustaqbalka waxbarashadooda u dhisi lahayd
Maryan Mursal waxa ay maamulka Somaliland uga mahadnaqday sida diiran ee ay u soo dhaweeyeen iyo sida ay ugu fududeeyeen bixinta dhulka laga dhisayo iskuulka iyadoo sheegtay waxqabadka maamulka Somaliland sameeyeen inuu yahay mid aanay cidi dafiri Karin in Somali ku dayataana muhiim tahay
Fanaanada Maryan Mursal waxa ay sheegtay talaabada xigta ee ay dalka ku aragtay ee wax ka qabashada u baahani inay tahay xal u helida dhibaatada haysata fanaaniinta reer Somaliland waxaanay ku baaqday in la is garab istaago fanaaniinta oo waxqabad dhab ah loo muujiyo iyadoo balan qaaday inay hormood u noqon doonto
Maayar xigeenka caasimada hargeysa, Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland, Wasiirku xigeenka Caafimaadka iyo Masuuliyiintii kala duwanayd ee ka hadashay xafladii dhagax dhiga iskuulka ay Maryan Mursal ugu magac dartay Abwaan Hadraawi waxa ay si weyn ugu mahad naqeen fanaanada waxaanay ku hambalyeeyeen Heestii wanaagsanayd ee ay u qaaday 18 bisha may ee sanadkan oo lagu xusayay madax banaanida Somaliland iyo booqashada ay Somaliland ku timidba iyagoo ugu baaqay in lagu daydo niyad samida ay ummada reer Somliland u hayso
Waxaanay fanaaniintii iyo dadweynihii xafladaa ka hadlayba si weyn ugu mahad naqeen Maryan Mursal



