Doloow-(GMN) Xildhibaanadan oo ku sugan magaalada Doolow oo ku taalla xadka itoopiya iyo soomaaliya ayaa kaddib kulan ay halkaasi ku qaateen waxaa ay si kulul u cambaareeyeen falkii qaarajinta ahaa ee lagu dilay Wasiirka Amniga Qaran Col Cumar Xaashi iyo Saraakiil Kale.
Xildhibaan Bare Aadan Shire Barre Hiiraale kamid ah xildhibaanada dawlada KMG ee Soomaaliya oo ku sugan magaalada Doolow ayaa waxaa uu tilmaamay haddii ay yihiin masuuliyiinta gobolkan Gedo ay ka xunyihiin qaraxii lagu dilay Col Cumar Xaashi Aadan iyo Safiirkii Soomaaliya U Fadhin jiray Itoopiya C/kariim Laqanyo iyo waliba salaadiin iyo dad rayid ah.
Xildhibaan Hiiraale ayaa Waxaa uu intaasi ku daray in ay tacsi hawada u marinayaan dhamaan Eheladii uu ka geeriyooday wasiirka iyo waliba dadkii kale ee la dhintay.
Cambaareynta xildhibaanadan ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa xili shalay qof naftiis hura ah uu gaari walxo qarxa lagu soo soo buuxiyay uu ku beegsaday Hotel Madiina halkaasoo ay ku sugnaayeen Masuuliyiin aad tira badan oo uu ugu horeeyay Wasiirkii Amniga Qaranka Col Cumar Xaashi Aadan.
Xildhibaan Bare Hiiraale ayaa isagu xiligii 2006 da si xil leh uga badbaaday qarax lagula beegsaday Duleedka Magaalada Baardheere Ee G/Gedo halkaasoo uu Xildhibaanku ku soo gaaray Dhaawac halka uu ku nafwaayay darawalkiisii qaaska ahaa.
Maxamed Gaarane
Baledxaawo-Somalia
Gedoonlinenews@gmail.com
http://www.gedoonline.com/?p=3577





