Page 1 of 1

1st July(remembering Patriot)Abdulahi Suldan Timacade

Posted: Thu Jun 30, 2005 9:07 pm
by JaMaaL-23
Abwaan A S Timacade 1920-6/2/1973 (r.i.p) A pure somali hero and patriot. Is somali patriotism think of the past? never, as long as we remember Timacade and the many countless Somali patroits.

Timacade is my favourite somali partiot

who is your favourite Somali Partiot??

1 Anigoo sebi uun ahoo
2 Sita leeb iyo qaansoo
...............................................

26 Subciyay oo ka dukeeyaye
27 Ka siddeetan sebaaney
28 Calankaannu sugaynaye
29 Sahankiisa ahaynow
30 Seermaweydo hillaacdayow
31 Sagal maanta darroorayoo
32 Siigadii naga maydhayow
33 Saq dhexaannu ahayne
34 Kii soo saaray cadceeddow
35 Samada kii u ekaaye
36 xiddigaa mid la siiyayow
37 Saaxirkii kala guurraye
38 Sarreeyow ma-nusqaamow
39 An siduu yahay eegno e
40 Kaana siib Kanna saar


41 Saahidiinta lslaamka e
42 Subcisaa Jimcayaashiyo
43 Sibyaanta iyo haweenku
44 Calankay Saadinayeenow
45 Cidina kaanay na Siine
46 Saatir noogu yaboohayow
47 Saaxirkii kala guurraye
48 Sarreeyow ma-nusqaamow
49 Aan siduu yahay eegno e
50 Kaana siib kanna saar

51 Sallaankii istiqaalkow
52 Sedadu kay ku xidhnaydow
53 Sayruukhii Afrikaadow
54 Saaxirkii kala guurraye
55 Sarreeyow ma-nusqaamow
56 An siduu yahay eegno e
57 Kaana siib kanna saar

58 San-ku-neefle dhammaantii
59 Khalqiga kii u sinnaayeen
60 Mid saaxiib la ahayne
61 Sangalkii iska diidayow
62 Saaxirkii kala guurraye
63 Sarreeyow ma-nusqaamow
64 Aan siduu yahay eegno e
65 Kaana siib kanna saar

66 Soomaloo iscunaysa oo
67 Saqda qaylo dhawaaqdiyo
68 Sulub laysu cabbaystiyo
69 Hadba soof la xabbaadhiyo
70 Saraayaa dami weydey
71 Kii laydhiisu na saaqdayow
72 Kii sadqeeyey qabaa'ile
73 Isu saaray gacmaa ee
74 Saf walaala ka yeelayow
75 Saaxirkii kala guurraye
76 Sarreeyow ma-nusqaamow
77 An siduu yahay eegno e
78 Kaana siib kanna saar


79 In sidayda tihiin iyo
80 In kalaanan saxaynine
81 Soomaloo calan taagta
82 Saakay noogu horraysa oo
83 Saddex wiig iyo maalmo
84 Haddaan Soor cuni waayo
85 Safrad laygama yaaboo
86 Sarina mayso naftayda e
87 Saaxirkii kala guurraye
88 Sarreeyow ma-nusqaamow
89 An siduu yahay eegno e
90 Kaana siib kanna saar


91 Nimankii na Siraayaye
92 Waaxwaax noo kala saaftaye
93 Solanaayey cadkeenna e
94 Innagoo dhexda suunku
95 Sabarkeenna qarqooray
96 Kii sedkeenna Cunaayaye
97 Sarartiisa ka muuqdaye
98 Surwaalkii ka yaraadaye
99 Daaro loo sibidheeyiyo
00 Sariiraa lagu seexdiyo
101 Kabadh suuf laga buuxshiyo
102 Mid baabuurka safeeyiyo
103 Aayad saarta carruuurtiyo
104 Sagaal boy iyo kuug iyo
105 Weliba seeksa lahaa
106 Kii saabaanka u laabayow
107 Saaxirkii kala gaurraye
108 Sarreeyow ma-nusqaamow
109 An siduu yahay eegno e
110 Kaana siib kanna saar


111 Sawjarkaa hubka qaataye
112 Intuu soodhka ku taagey
113 U diyaara salaantiyo
114 Saraakiisha amraysaay
115 Sifihii isticmaarka
116 Ka siyaadiya maanta oo
117 Sibilkiinnan ag joogow
118 Sibirtiisa istaaga oo
119 Nin walbaan sigib beeloo
120 Sarow taaga gacmaa oo
121 Sacabkaysku garaaca oo
122 Nin walbow saddex goor
123 Subxaanow waa mahaddaa dheh

Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa
Subxaanow waa mahadaa!

Aloow naxariistii jano ku siiii....aamiin

Source: http://www.timacade.com (very nice page)