Saraakiil Itoobiyaan ah oo Muqdisho soo gaadhay iyo ciidamo Itoobiyaan ah oo gudaha usoo galay Sooma
Written by sp am
Jun 20, 2009 at 12:44 PM
Saraakiil ka socota dowlada Ethiopia ayaa la soo sheegaya inay hada ka soo degteen garoonka magaalada moqdisho, Saraakiishan ayaa waxa la sheegay inay ku yimadeen sii degdeg ah kadib markii habeenimadii xalay u madaxweyne shariif sheekh axmed telfoon kula hadlay mas’uuliyiinta Ethiopia ugu sarsareysa, kuwas oo u ka codsaday inay Soo farageliyaan xaaladaha ka jira dalka Somaliya
Saraakiishan ayaa la soo sheegaya inay noqon doonan kuwa oddoros ku sameya xaaladaha ka jira magaalada moqdisho xiligan, iyada oo dhinaca kalena aay xiliga aay yimadeen saraakiishan magaalada moqdisho ku ka soco dagaal xoogan
Dowlada KMG ee somaliya ayaa saacado yar ka hor ku dhawaaqay inay burburi doonto hadii aan 24 saac gudahood lagu soo gaarin, waxana la dhahi kara dowlada Ethiopia ayaa noqotay dowlada ugu horreysay ee u soo gargaarta dowlada u madaxda ka yahay Shariif Sheekh Axmed
Dhinaca kale Wararka aan ka heleyno gobolada kala ah Hiiraan, Bakool, Galguduud Iyo Gedo ayaa soo sheegaya in ciidamo ka socda dowlada Ethiopia aay gudaha u soo galeen gobolada iyaga oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan, waxana laga filaya magaalada baladweyne In ciidankaasi soo gaaro halkaasi waqtiyada soo socda sidaa u soo sheegayo Wariyaha sp am Online ee magaalada B/weyne
Ethiopia oo ka mid ah dowladah deriska la ah somaliya kuna jirta dowladaha aay dowlada KMG ee Somaliya baaqa u dirtay maanta inay soo fara geliyaan xaalada Somaliya





