Welcome to SomaliNet Forums, a friendly and gigantic Somali centric active community. Login to hide this block

You are currently viewing this page as a guest. By joining our community you will have the ability to post topics, ask questions, educate others, use the advanced search, subscribe to threads and access many, many other features. Registration is quick, simple and absolutely free. Join SomaliNet forums today! Please note that registered members with over 50 posts see no ads whatsoever! Are you new to SomaliNet? These forums with millions of posts are just one section of a much larger site. Just visit the front page and use the top links to explore deep into SomaliNet oasis, Somali singles, Somali business directory, Somali job bank and much more. Click here to login. If you need to reset your password, click here. If you have any problems with the registration process or your account login, please contact us.

Somali students graduate in Malaysia

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE
User avatar
Somaliman50
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 5850
Joined: Fri Oct 17, 2008 5:11 pm

Somali students graduate in Malaysia

Postby Somaliman50 » Sun Jun 21, 2009 3:12 pm

Waxaa Magaaladda Shah Alam ee dalka Malaysia lagu qabtay Xaflad Balaaran oo loogu tala galay ardayda wax ka barata Jaamacadda Kuis. Kuwaasow iskugu jira kuwo ka kala yimid ilaa iyo dhawr wadan,Xafladda ayaa waxaa loo-soo agaasimay si Islaami ah. Oo marka hore Xafladaasi waxaa Aayado Qur’aan ah ka soo jeedisay Gabar lagu magacaabo Safiya Bintu Jabril. Kadib waxaa duca dheer kahor akhriyey Xafladaas mid kamid ah macalimiinta wax ka dhigta Jaamacadda Kuis oo lagu magacaabo Maxamed bin Baz.Waxaa kalow Microphone-ka lagu soo dhaweeyey mid kamid ah Maamulka ugu sareeya Jaamacadda oo lagu magacaabo Maxamed Shah Bin Cabdullahi. Wuxuuna ardayda u soo jeediyey iney dadaalaan.

Wuxuuna yiri” waan ogahay inaad dadaal badan tihiin balse waa inaad sii laba jibaartaan.Kadib waxaa loo-guda galay Xafladii.Dhawr wadan ayaa waxay soo bandhigeen Hidaha iyo Dhaqanka ka jira dalka waliba. Balse arinta layaabka laheyd ayaa waxay noqotay kadib markii ay Soo bandhigeen dhawr arday oo Soomaali ah Heesta Calanka Soomaaliya iyo Hidaha iyo Dhaqanka ay Soomaalidu leedahay.

Ardayda Soomaalida ayaa waxay isku qeybiyeen laba qeybood. Kuwaasow la- kala baxay laba magac oo kala ah.Kooxda Anteeno iyo Kooxda Mukhtaar.Kooxda Anteeno waxay ka koobneed ilaa iyo 7 dhalinyaro oo ku labisnaa Dharka loo-yaqaano Suut-ka oo uu hor kacaayey Gudoomiyaha cusub ee Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadda Kuis Anteeno.

Waxay soo bandhigeyn heesta Calanka Soomaaliya. Dadkii xaflada ka soo wada qeyb galay oo ahaa Boqolaal Qofood ayaa waxay ka wada kaceen fadhigii ay fadhiyeen. Kadib markii heesta Calanka Soomaaliya ay soo bandhigeyn Kooxda Anteeno. Dadkii Xafladda ka soo qeyb galay ayaa aad ugu mahad celiyey Ardayda Soomaaliyadeed. Waayo waxay garteen iney soo bandhigaan heesta Calankooda . Halka Ardayda kale ay garan waayeen iney soo bandhigaan heesaha calamadooda.

Kadib waxa ku xigsaday kooxda Mukhtaar oo ka koobnaa ila iyo 4 dhalinyaro oo ku labisan hidaha iyo dhaqanka ay Soomaalidu leedahay.Durbadiiba waxay bilaabeen iney soo bandhigaan dhawr Cayaar, Oo ay kamid aheyd cayaarta ay Soomaalidu u taqaano Dhaantada. arintaan ayaa waxay sababtay in laga wada daawada Shaashadaha dalka Malaysia,


Kadib markii ay soo qeyb galeyn Saxaafadda ka jirta Dalka Malaysia. Ardayda Soomaaliyadeed Guusha ay keyneen waxaa u sabab ahaa, Gudoomiye ku xigeynka Ardayda Soomaaliyadeed ee Jaamacadda Kuis oo lagu magacaabo Yaasiin Axmed Sheekh (Yaasiin Baari). Wadamada soo bandhigay Hidaha iyo Dhaqanka ayaa waxaa kala ahaayeen” Malaysia, Singapore, Indonesia, Thailand, China, Somalia, Nageria, Chad.

Image

Image

Image

Image

Image

OUR SPONSOR: LOGIN TO HIDE

Hello, Has your question been answered on this page? We hope yes. If not, you can start a new thread and post your question(s). It is free to join. You can also search our over a million pages (just scroll up and use our site-wide search box) or browse the forums.

  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”

Who is online

Users browsing this forum: Bing [Bot], nnjrewzas112 and 72 guests