Xubnihii ka tirsanaa Baarlamaanka DKMG ah ee ay wehlinayeen Saraakiisha ee Shalay Gaaray Magaalada B/Weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Sheegay in ay Wadahadalo la yeesheen Xoogaga ka soo horjeeda ee Gobolka ku sugan sida Al-Xisbul Islaami & Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab.
Maxa’ed Dhaqane Cilmi Aar oo Hogaaminaya Xubnahaas oo u waramayey Idaacada Shabelle ayaa Sheegay in ay Wadahadaladu Meel Fiican u marayaan iyaga iyo Xoogaga Islaamiga ah ee kusugan Gobolka Hiiraan.
waxa uu intaa ku daray in Wadahadalada u jeedkoodu yahay Sidii ay Xoogagaasi ugu soo biiri lahaayeen DKMG ah waxa uuna yiri: “Xarakatul Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam Wadahadalaa noo socdo in ay Dowladooda ku soo biiraan Dadkooda Dhinac ka soo raacaan Meel Fiican buuna noo marayaa Markii uu dhamaado War Cad baa naga soo bixi doono intooda dhaw dhaw intooda Fog Fog ee lagu Shaqeysto ee Camiilada ah ee Jananka Bakistaanka ah iyo kuwa uu ku Shaqeysanayana Gacantaan ku dhigeynaa Meeshey Joogaanaanan ugu Tageynaa”.
Waxa uu ugu baaqay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku soo biiraan DKMG ah isga oo si gaar aha u Carabaabay Sh.Mukhtaar Roobow Abu Mansuur oo kamid ah Mas’uuliyiinta Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab waxa uuna yiri: “Arintaas hada Idaacada aan uga sii deynayo Ninka la yiraahdo Mukhtaar Roobow Magaca Abuu Mansuur labaxay waxaan Jeclaan lahaa asaga laftiisu in uu ka soo qeyb galo Walaalo ahaano, Isqarxiska iyo Nabadoon leynta iyo waxaasi Sheegashadooda in ay Ceeb tahay isaga in uu garanaayo ayaan Amaanin sanahay kuwo aan Xishooneyn oo Xarakadiisa ka mid ah in ay waxaas Sheegeen Baan aamin sanahay … waxaan leeyahay walaal keen Mukhtaar Roobow Nabada in uu nala qaato”.
Majirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Xisbul Islaami iyo Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo ku aadan Sheegashada DKMG ah ay Sheeganeyso in ay wadahadal la gashay Dhinacyadaasi
http://www.somalimirror.com/2009/06/24/ ... noo-socdo/




. The leaders of xisbul PIG and alshaytan have rejected talking to the government.