Posted: 6/25/2009 11:29:00 PM
Shabelle: MUQDISHO
Duqeymo Xoogan oo sababay dhaawac dad rayid ah ayaa Galabta loo geystay gudaha iyo Hareeraha Suuqa weyn ee Bakaraaha ee Magaalada Muqdisho.
Ilaa dhowr Madfac ayaa waxaa ay ku soo dhaceen Galabta Gudaha iyo Hareeraha Suuqa Bakaaraha kuwaas oo Qasaare u geystay dadka Rayidka ah ee u soo ganacsi doontay gudaha Suuqa Bakaaraha.
Madaafiicda oo ahaa kuwa is xig xigay ayaa la ogeyn halka rasmi ahaan ay ka yimaadeen,Waxaana mid ka mid madaafiicdaan oo ku dhacay inta u dhaxeysa Wadada Koowaad iyo wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha uu sababay dhaawac Qof rayid ah.
Madaafiicdaan ayaa waxaa ka horeeyay kuwa kale oo iyana lagu garaacay Isgoysyada Baar Ubax iyo Black Sea halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa 5-qofood oo rayid ah.
Waxii qasaarahaasi ku soo kordhaa kala Soco Shabelle.net Hadii Uu Ilaah Inoo Saamaxo.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay



