{Dhagxbuur} 27-6-09Jabhadda ONLF ayaa guulo ka sheegatay dagaalo culus oo ay maalmihii la soo dhaafay gobolka Soomalida ee Ethiopia ay kula gashay ciidanka Ethiopia.
Bayaan qoraal ah oo laga soo saaray xafiiska warfaafinta ee jabhada ONLF ayay jabhadu ku sheegatey in tiro badan oo ciidamada Ethiopia ay ku dileen dagaalada u dambeeyey ee ka dhacay tuulooyin ku yaala gobolada Dhagxbuur iyo Godey.
Sida lagu sheegay war saxafadeedka ay soo saartay jabhada ONLF waxay ku sheegtey in dagaalada u dambeeyey ay ka dheceen degaanada Hora-Shagax, Dhanaan iyo Gaashaamo oo ka tirsan gobolada Godey iyo Dhagaxbuur halkaasi oo mudo ku dhow labo todobaad ay ka socdeen dagaalo kulul oo dhexmarey ciidamada Ethiopia iyo jabhada ONLF.
War saxaafadeedka ONLF laguma sheegin inta uu la eg yahay khasaaraha ay gaadhsiiyeen ciidanka Ethiopia, sidoo kale kama hadlin khasaare dhinacooda soo gaadhey.
Hase yeeshee waxay si kulul jabhadu u cambaareysey dil sida war saxaafadeedka lagu sheegay loo geystey dad rayid ah iyo tuulooyin ay gubeen ciidamada Ethiopia oo ku yaalla degaanada ay dagaaladu ka dheceen.
Dowlada Ethiopia ma jiro wax war ah oo ka soo baxay oo ku saabsan dagaalka dhexmarey ciidankooda iyo ONLF iyo khasaaraha intuba, laakiin dad degaanka oo aan dooneyn in magacooda la xigto ayaa ku waramay in dagaaladu ay todobaadyadan ka socdeen dhul miyi ah oo ay ku dagaalamayeen jabhada ONLF iyo militeriga Ethiopia.
Dagaalada dhexmara militeriga Ethiopia iyo ONLF ayaa ku soo noqnoqda gobolka Ogaden ee bariga Ethiopia, waxaana khasaaraha ugu badan uu soo gaadhaa dadka rayidka oo ay dagaaladu saameeyaan.



