inkastoo loo baaqo
oo loo sheego barwaaqo
dadbey meeli bugtaa
aan baranee noo kala
baadhoo beyen u cadee
beyen u cadeeyee
waa booli cunaha
beenlowgiyo tuuga
baryadda aan diidno
miyey ka bukaan
haa
beeraha aan qodano
miyey ka bukaan
haa
baahida aan aragno
miyey ka bukaan
haa
nolosha bidhaantey
miyey ka bukaan
waxaan baabi'iney
boodhka ku aasney
baafinayaan
maxey aheyd
balanteenu
maxey aheyd
ka inaga beydhaa
haynaga baxo
bax
baasha u leexdaa
haynaga baxo
bax
dhulka bi'inaayaa
haynaga baxo
bax
loomaba baahnee
haynaga baxo
qabiilka dan moodaa
haynaga baxo
bax
midawga ka boodee
haynaga baxo
bax
boogi ku taalee
haynaga baxo
bax
loomaba baahnee
haynaga baxo
inkastoo loo baaqo
oo loo sheego barwaaqo
dadbey meeli bugtaa
aan baranee noo kala
baadhoo beyen u cadee
beyen u cadeeyee
waa booli cunaha
beenlowgiyo tuuga
barwaaqada maanta
miyey ka bukaan
haa
barkhada iyo kheyrka
miyey ka bukaan
haa
xaqa la bayaanshey
miyey ka bukaan
haa
beesha is raacdey
miyey ka bukaan
waxey wateenoo
baryahan la waayey
baafinayaan
maxey aheyd
balanteenu
maxey aheyd
ka inaga beydhaa
haynaga baxo
bax
baasha u leexdaa
haynaga baxo
bax
dhulka bi'inaayaa
haynaga baxo
bax
loomaba baahnee
haynaga baxo
qabiilka dan moodaa
haynaga baxo
bax
midawga ka boodee
haynaga baxo
bax
boogi ku taalee
haynaga baxo
bax
looma baahnee
haynaga baxo




