Haweeney ninkeedii ku dishay Shabellaha Hoose oo gacanta lagu dhigay
Muqdisho, June 27, 2009 (WDN)- Haweenay dishay ninkii qabay ayay kooxda Al Shabaab ku soo qabteen howlgallo ay sameeyeen. Haweeynaydaas ayaa hadda ku xiran xabsi ku yaalla degmada Wanla Weyn ee gobalka Shabellaha Hoose.
Dadka deegaanka, ayaa ku warramay in haweeneydaasi ay falkaasi ka geystay deegaan u dhow Wanlaweyn, islamarkaasina uu muran ku kala dhex jiray iyada iyo seygeeda in mudda ah taas oo markii dambe keentay inay disho.
Dadka deegaanadaasi, ayaa sheegaya in haweeneyda ay isku qabteen iyada iyo ninkeedu arrimo la xirira furiin ka gadaalna ay baangad nafta uga qaadday, laakiin waxa lagu guuleystay inaysan baxsan oo waxaa gacanta ku soo dhigay xoogagga deegaanadaasi maamula.
Ma jirto illaa iyo hadda saraakiil sar sare oo ka tirsan maamulka xarakada mujaahiddiinta Al shabab oo dhacdadaani ka hadlay.
Jamaal Cismaan
WardheerNews, Muqdisho
this bitch should be hanged



